Wararka

Boorso Sir Ah oo Aan Ka Harin Safaradda Dibadda ee “Boqoradda” Ingiriiska oo La Daahrogay Waxa Gudaheeda Ku Jira (Muuqaal)


Boqoradda Ingiriiska ee Elizabeth II iyo dhaxal sugayaasheeda tooska ah, dhaxal sugaha koowaad ee amiir Charles, iyo wiilka u dhalay ee Amiir William oo ah dhaxal sugaha labaad ee boqortooyada Ingiriiska, ayaa la ogaaday iney safarrada dibadda u qaataan boorso sir ah oo aan marnaba ka harin.

Khabiirka dhanka boqortooyada ka faallooda ee Duncan Larcombe, ayaa jariidada Daily Express u sheegay in boqoradda, amiir Charles iyo William-ba ay waajib ku tahay iney sii qaataan waxyaabo gaar ah, marka ay safar dibadda ah u baxayaan, si ay u adeegsadaan waqtiyada degdegga ah.

Boorsadan la qariyo ee sirta ah waxaa ku jira ”Dhiigooda, si loo adeegsado xaaladaha degdegga ah ee loo baahan yahay.”, waxa uu hadalkiisa ku daray “Haddii boqoraddu ay meel aaddo, waxaa la socda dhakhtarkeeda gaar ah oo wata boorso ay ka buuxaan dhiigeeda, si loo adeegsado marka ay wax dhacaan.”, waa sida ay daabacday jariidada Daily Express.

Waxa uu tilmaamay, marka ay boqoraddu magaalo booqaneyso oo magaaladaa in dhiig laga helaa ay adag tahay amaba in laga heli karo uu shaki ku jiro,  waxaa horey loogu sii qaadaa xirmooyin nooca dhiigeeda ah oo horey loogu sii qaado, si loo adeegsado marka dhiiggu uu lagama maarmaan yahay, si aaney caafimaadka boqoraddu khatar u gelin.

Dhakhtarka qoyska marwalba waxa uu jooga meel aad ugu dhow boqoradda marka ay boqoraddu safreyso ama dhaxal sugayaasheeda ah uu meel aadayo, waxa uu wataa boorso dhammeystan oo daawooyin iyo qalab kala duwan oo caafimaad ay ku jiraan.

Khabiirkan ayaa carrabka ku adkeeyay in labada Amiir ee Charles iyo William  looga baahan yahay iney raacaan tallaabooyinka taxadar ah oo la mid ah kuwa ay boqoraddu sameyso, markii ay u amba baxayaan safar rasmi ah oo dhanka dibadda ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close