Wararka

Daraasad Cusub oo Ka Digtay Caado Ay Dadku u Badan Yihiin oo Geeri Sababta (Muuqaal)


Daraasad cilmiyeed dhawaan la daabacay ayaa ka digtay in howl-maalmeed dad badan caado u ah ay suurtaggal tahay inuu sababo geerida shaqsi kasta.

Jariidada “bmj” ee arrimaha caafimaadka ka faalloota ayaa faafisay daraasaddan oo natiijadii ka soo baxday ay noqotay in fadhiga 9-saac ama 9-saac wixii ka badan maalintii ay suurtaggal tahay iney sababto geeri xilli hore ah oo qof uu cimri degdeg ku dhaco.

Daraasaddan ayaa tilmaantay in shaqo kasta oo qofku uu jirkiisa ka qabto ama socod uu sameeyo, ay caafimaadka shaqsiga wax ka tarto oo khatarta cimri degdegga ay yareyso.

Daraasaddan ayaa ka digtay dadka cimiriga dhex dhexaadka ku jira, sida sodomeeyada iyo afartameeyada iney maalintii fadhiyaan wax ka badan 9 saacadood iyo bar, kuwaas oo haddii ay sidaa sameeyaan, halis ugu jira khatarata ah iney waqti hore dhintaan.

Daraasaddan ayaa waxey ku tiirsaneyd falanqeyta data ballaaran oo dad farabadan laga uruuriyey, waxaa laga ogaaday in jimicsiga uu qofku sameeyo haba koobnaado oo socod yar oo uu qofku sameeyayba ha noqotee, uu farqi weyn ka sameeyo oo khatarta geerida xilliga hore ay ku yaraato cimirga qofkuna uu ku barakoobo.

Dhakhaatiirtu waxey tilmaameen in waxa ugu yar ee qofka aadanaha uu u baahan yahay ay tahay 150-daqiiqo oo sports ah fudud ah, sida; socodka oo kale, waxaa kale oo uu qofku u baahan yahay 75-daqiiqo oo ah jimcsi level dhexe ah oo uu jirkiisa ku kala bixiyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close