arrimaha bulshadaUncategorizedWararka

36-sano Ayuu Xabsi Ugu Jiray Una u Xirnaa 50 Doolar oo Xatooyo Ah! (Muuqaal) 


36 sano ka hor, ayaa waxaa maxkamadi xukun xabsi-daa’im ah ay ku riday, wiil dhalinyaro ah oo ku jira bilowgii labaatameeyada, waxaa loo diiday in cafis loo fidin karo, xabsiga ayuu ku jiray muddo ka badan dhowr iyo soddon sanno ah, iyadoo faldambiyeedka uu galay aaney isku qalmin xukunka lagu riday.

Xukunka lagu riday Alvin Kennard, marnaba uma qalmin dambiga lagu helay, waxaa la xiray sanadkii 1983, laakiin dambiga lagu helay ayaa waxa uu waafaqsanaa sharci adag oo  waxa loo yaqanno (shariciga saddexda dhacdo) oo ka qeyb ah istiraatiijiyada wasaaradda cadaaladda Mareykanka ay kula dagaallanto cunfiga iyo xad gudubka.

Sida warbixinnadu ay sheegayaan, wiilkan dhalinayrada ah ayaa waxa uu xaday lacag 50-dolar ah oo tukaan rootiga lagu iibiyo uu ka dhacay, kadib waxaa lagu eedeeyay inuu dhac geystay darajada koowaad ah, waa sida ay sheegtay jariidada The Guardian ee gudaha Ingiriiska ka soo baxda.

Hadda, August, 2019, markii uu xabsiga ku soo qaatay 36 sano, ayaa maxkamadi ay go’aamisay in Kiinaard, la iska fasaxo, hadda waxa uu jiraa 58-sano, waxaa sii daayay garsoore la yiraahdo David Karbinter, waxa uu ku jiray xabsiga Donaldson, waxaa la sii daynayaa bisha December ee dhammaadka sanadkan, gobolka Alabama.

Xukunkan adag ee aan u qalmin faldambiyeedka uu geystay, ayaa ku yimid, shariga ciqaabeed hore uga jiray gobolka Alabama ee loo yaqanno (sharciga saddexda dhacdo), horey ayaa waxaa muddo saddex sanno ah loogu xukumay 3 faldambiyeed oo dhac ah oo nooca darajada laab ah oo uu geystay sanadkii 1979.

Loyarkii u daadayay  oo la yiraahdo Carla Crowder, faylka Kennard u xilsaarneyd oo ka hadashay markii xukunka lagu dhawaaqay, ayaa sheegatay iney weli xabsiyada ku jiraan dad ninkan la mid ah oo laakiin aan haysan loyarro u dooda.

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waa arrin aan cadaalad ahayn, in boqolaal qof oo gobolka Alabama ka soo jeeda ay xabsi daa’im ku xukuman yihiin, oo aan cafisna loo fidin Karin, kuwaas oo wax dambi ah oo dil ah aan geysan.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close