Wararka

Actorad Inida u Dhalatay oo Iska Soo Tuurtay Dariishadda Dabaq Saddex Biyaano ah oo Ay Qeyb ka Daganeyd (Muuqaal)


Actorad India ka soo jeedda oo geeriyootay kadib markii ay iska soo tuurtay dabaq saddexaad oo ay qeyb ka dagganeyd, xaafadda Awshuwara ee ku taalla magaalada Mombai ee gudaha India.

Baaritaannadii koowaad ee la sameyay ayaa lagu ogaaday in actoraddan Pearl Punjabi oo ku jirtay da’aadda labaatameeyada, ay is dishay, kadib markii ay iska soo tuurtay dabaqa saddexaad, arrintaas oo keentay in dhaawacyo kala duwan ay soo gaaraan oo markii dambe ay u geeriyootay.

Booliska ayaa sheegay in Bunjabi ay caqli ahaan ay isku buuqsaneyd, inbadanna ay hooyadeed la dagaallami jirtay, halka warbixinnada kale ee la helayaa ay sheegayaan in labo jeer oo hore ay isku dayday iney is disho, laakiin nafteeda la badbaadiyay, waa sida uu sheegay websiteka India Today.

Ciidamadu waxey kiiskan ka fureen baaritaan guud, si ay u ogaadaan waxyaabo badan oo ay mugdi ku jiraan dhacdada ay aktaradani isku dishay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close