WararkaWarbixinno

Warbixin: Howraarteyda Ku Aaddan Sanadka Cusub ee Hijriga..Xagee Laga Bilaabay… Labada Taariikh ee Hijriga iyo Miilaadigu Maxey Is Dheer Yihiin

Waxaa maanta bilowday sanadka cusub ee Hijriga 1441 waana sanad cusub oo u dhashay ummadda islaamka meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

Shaki kuma jiro in ummad kastaa ay leedahay taariikh ay ku faanto oo muhiim u ah noloshooda ilbaxnimo iyo horumarkooda gaarka ah. Haddaan ka mid nahay muslimiinta adduunka waxaan leenahay taariikh aad u qiima badan oo mudan in si wanaagsan looga hadlo.

Xagee laga bilaabay taariikhda Hijiriga ah?

Taariikhda hijriga ah waxaa laga bilaabay Hijradii nabiga( NNKH )uu ka hijrooday magaalada Makka una hijooraday magaalada Madiina oo ahayd 22 Rabiic Al awal oo waafaqsaneyd 24 September 622-miilaadiga.
Saxaabadii Nabigu RC waxay isku raaceen in taariikhda laga bilaabo maalintii Hijrada oo ahayd maalintii ugu muhiimadda badnayd Umadda muslimiinta ah , waayo ? waa maalintii ugu horreysay ee la aasaasay dowlad islaaamku uu leeyahay ee ugu horreysay, waa maalintii islaamku galay khatartii ugu baxadda weynayd oo gaaladii makka ay kor istaageen godkii uu Nabi Muxamed NNKH uu ku dhuumanayay islarkaana ay isku dayeen iney dilaan.

Iyadoo ay jirtay ra’yiyo kale oo oranaya  in laga bilaabo taariikhda islaamka dhalashadii Nabiga( NNKH) ama markii la soo saaray ee rasuulka laga dhigay amaba markii uu geeriyooday.

Waxaana go’aanka la gaadhay xiligii uu xukunka islaamka hayay Cumar Binu Khadaab (RC)sanadkii 16aad ama 17aad ee hijriga culumadu taariikhduna way isku yara khilaafsan yihiin halkaa .

Labada Taariikh ee Hijriga iyo Milaadugu maxay is dheeryihiin?

Waxay is dheeryihiin labada taariikhood waa 11cisho oo ah wareega dayaxu uu ku wareego dhulka 12 jeer waa 354 maalin , taariikhda miilaadiga ah dhulku waxa uu qoraxda ku wareega halmar 365 maalin, sidaa darteed labada taariikhood midna waxay xiriir la leedahay daxaya halka tan kalena ay xiriir la leedahay qorraxda.

Ugu Dabmeyn, ummad kasta oo dunida ka jirtaa waxay ku faantaa taariikhda ay leedahay oo ay buunbuunisaa kuna shaqeysaa, waxaase isweyddiin leh xilliga aan ku baraarugi doonno waa goorma qiimaha taariikhdeennu ay leedahay. 

W/Q: Khadar Xuseen, Goobjoog Edu

Related Articles

Close