Wararka

Layaabka Dunida.. Doon Culeyskeedu Yahay 200 oo Tan Ayuu Fartiisa Ku Jiiday! (Muuqaal)


Nin Jorjiya ka soo jeeda ayaa ay u suurtagashay isagoo adeegsanaya fartiisa inuu jiido doon weyn , ninkan ayaa u diyaarsan inuu galo buugga dhacdooyinka Adduunka ee Gunnies world Record.

Ninkan reer Jorjiya ayaa waxaa u suurtagashay inuu jiido doon 200 oo tan ah, isagoo adeegsanaya fartiisa dhexe ee gacantiisa bidix, iyadoo ay goobta joogaan daawadayaal badan oo dhacdadan markhaati ka ahaa, kuna duubtay kaamirada mobile-ladooda gaarka ah.

Doontan oo magaceedu ahaa ‘Tamara 2’ oo dhowr mitir u jirta xeebta, ayaa aan dhaqaaqin illaaa uu Rostomaaashfili uu dhankiisa usoo jiido, waxaa u suurtagashay inuu dhaqaajiyo, iyadoo dadkii goobta soo xaadiray ay aad u qeylinayeen una muujinayaan taageero.

Guddiga records-ka cusub diiwaangeliya ee ku dhaqan gudaha Jorjiya ayaa hoosta ka xariiqay in ninkani uu xaqiijiyey oo uu gaaray record cusub oo aaney cidina uga horreyn, isagoo doon aad u culus ku dhaqaajiyay fartiisa.

Guddiga ay ku midaysan yihiin ee matala records-ka cusub ee la dhigo, ayaa sheegay iney qoryshaynayaan iney la xiriiraan buugga dhacdooyinka aduunka ee Gunnies world Record ee heer caalami, si loogu diiwaangeliyo recordka cusub ee uu ninkani dhigay buuggana loogu xardho.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close