Wararka

Sabab Yaab Badan oo Kontada Looga Jarayo Xafiiska Ra’iisul-wasaare Dowlad Nukliyeerka Haysata (Muuqaal)


Warbixinno ay warbaahintu qoreen ayaa sheegaya in xafiiska Ra’iisul-wasaaraha ayaa la gaarsiiyey digniin ku aaddan iney suurtagal tahay in xafiiska korontada laga jaro, maadama aanuu bixin lacagtii korontada oo muddo is gaartay, lacago farabadanna noqotay.

Shirkadda korontada Islam Abad ayaa ku dhawaaqday iney digniin kama dambeys ah u dirtay xoghayaha ra’iisul-wasaaraha, Cimraan Khaan, digniintaa waxaa ku qornaan in korontada laga jari doono dhismaha xukuumadda, madaama uu xafsiiku ka gaabiyey inuu bixiyo lacagtii korontada ee laga rabay.

Xoghayntu waa tan u xilsaaran xarunta Golaha Wasiirrada iyo xafiiska ugu sarreya dowladda ee ku yaalla caasimada Pakistan, halka wararku ay tilmaamayaan in xoghayntu aysan bixin biilal koronto oo u dhigma 25 kun oo doolarka Mareykanka ah.

Dhaqaalaha Pakistan, ayaa waxa uu la kulmay cadaadis aan horey u soo marin, gaabka miisaaniyadda waxa uu gaaray heerkiisii ugu sarreeyay muddo Saddon sanno ah, waana mudada sanadka ah ee uu xukunka Ra’iisul-wasaare hayo Cimaraan Khaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close