arrimaha bulshadaWararka

Kansar Ayaa Ku Dhacay Guurkeeda Ka Hor Saddex Bilood.. Laakiin Waxey Sameysay Arrin Mustaxiil Ah Si Aaney Guurkeeda Uga Baaqan (Muuqaal)


Gabar Mareykan ah ayaa waxey sameysay arrin lagu tilmaamay inuu yahay mid mucjiso ah, si ay u gaarto riyadeeda ah iney guurkeedu dhaco maalintii loo madlanaa iyadoo caafimaadkeedu uu taam yahay.

Jariidada  Mirror ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay in Kiristiina Andarson, oo 24 jir ah, ay ogaatay in kansar uu kaga dhacay maskaxda, waa muddo 90-cisho ah ka hor waqtigii goorkeeda loo ballansanaa.

Gabadhan oo daggan magaalada Sandiyeego ee gobolka Kalifoorniya ee gudaha dalka Mareykanka ayaa sheegtay in dhakhaatiirtu ay u sheegeen in maskaxdeeda uu nabar kansar ah kaga yaallo, waa markii bishii May ay booqatay isbitaalka. Xilli ay xoogaa dawakhaad ah dareentay, matag xoogganna uu qabtay.

Sheekadeeda ayey sii wadatay: “Dhakhaatiirtu waxey iga dalbadeen inaan si degdeg ah qalliin u galno, haddii kale ay nafteydu khatar galeyso, kadib waxaa lagu sameeyay qaalliin 8 saacadood qaatay.”

Waxey tilmaantay: “Baqdinteydu qalliinka ma ahayn, laakiin waxaan ka cabsanayay inaan dib u kabasho sameyn kari waayo waqtigii ballanta guurku ahayd.”

Waxey caddeysay iney dhakhtarkii qalliinka ku fulinaya ay waydiisay in tumaha uu ka wada jarayo kale, xaalkeedana ay uga warrantay,  arrintaas oo keentay in dhakhatarkii uu ku dadaalo in timaha wax yar oo kooban un uu ka jaro, iyadoo caado ahaan qalliinka noocan oo kale ah bukaanka timaha oo dhan laga xiiro.

Markii qalliinka lagu guuleystay ayaa isla markiiba ay gashay daweyn kale oo si dabiici ah loo dabiibayo, si ay si dhakhsiyo ah ugu socoto oo marlabaad cagaheeda ay ugu istaagto.

Kiristiina waxey tiri: “Haddii ay dantu igu khasbi lahayd waan gurguuran lahaa, weyse ii suurtagashay inaan riyadeyda rumeeyo oo anigoo lugaheyga ku socda aan roogga ku dulsocdo, waxaan sidaa sameeyay xafladda arooskeyga oo ahayd 10 August , 2019.”

Kiristiina waxey la safarta ninkeeda oo waxey dalxiis u aadeen jasiiradda al-Bahaama, oo bishii malabka ay halkaa ku qaadananayaan, iyadoo ay jirto inaaney u suurtagaleyn iney sameyso howlo badan oo ay faraxad ku dareemi lahayd, sida; iney dabaalato oo biyaha ay hoos u quusto.

Dhakhatarkii dabiibay oo xalaalada Kiristiin ka hadlay ayaa yiri: “Kiristiina waxey sameysay waxey muujineysaa awoodeeeda , iyo dadka qof kasta oo doonaya inuu bogsado uu kari karo si kasta oo xaaladdu ugu adaga tahay.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close