Wararka

Kuray Jarmalka u Dhashay oo Ku Galay Buugga Dhacdooyinka Adduunka Cag Qiyaasteedu Tahay 35-Cm (Muuqaal)


Da’yar Jarmalka u dhashay oo la yiraahdo Laaras Motsa, ayaa waxa uu dhibaato kala kulmay inuu helo kabo qiyaastiisa le’eg oo uu xirtay, qiyaasta kabaha uu raadinayo waxey gaareysaa 57 qiyaasta nidaamka Yurub ee kabaha, waxa uu sidaa ku galay buugga dhacdooyinka adduunka ee Guinness world Record oo looga aqoonsaday qof ugu cagta dheer adduunka.

Sida ay qortay jariidada Alayam ee dalka Baxreyn ka soo baxda, wiilkan dhalinyarada ah ayaa Guinness ka helay shahadaado caddeynaysa inuu leeyahay cagta ugu dheer adduunka ee kuray lab ah oo dunida ku dhaqan.

Laros, waxa uu sheegay iney cagtiisa dhirirkeedu uu gaarayo 35-sentimitir, hooyadii ayaa sheegtay in kabaha uu xirto si gaar ah loogu sameeyo, oo ay ku bixiyaan 1200 oo Euro marka uu kabo u baahdo, waxey intaa sii raacisay, in kabaha uu ku tababartaa ee mihnadda najaarnimada oo loo tababaro ay ku bixiyaan qiimo gaarayo 1800-euro.

Aabihii ayaa sidoo kale sheegay in cagaha waweyn uu ku dhashay, xilligaa qiyaasta cagtiisu waxey gaareysay 9.5-santimitir.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close