Wararka

Si Xasilloon oo Aaney Caro Ku Jirin.. Sideed Ugu Qancin Kartaa Lamaanahaaga Aragtidaada Gaarka Ah (Muuqaal)


Lamaanahaaga xilliyada qaar ma ka dalbataa inuu kuu qabto waxyaabo yaryar, sida;  inaad soo wada casheysaan, safar wada aaddaan, oo makaa diidaa, ama dooddu mararka qaar ma isku maandhaaftaan, si hadaba arrimahaas aad uga fogaato, codsigaagana aad u meel mariso waxaa waajib ah inaad raacdo tallaabooyinka aan ku soo bandhigi doonno warbixintan, waa sida uu qoray website-ka “markmerrill

Talooyin ku aadan sida lamaanhaaga loogu qanciyo aragtidaada

-Waxaa wanaagsan inaad ka fakarto marka hore inta aadan lamaanahaaga la hadlin, si wadada ugu habboon ee aad wax ugu sheegi karto, halkan waxaa lagu talinayaa inaad marka hore ku bilowdo su’aasha ah: “Baryahan horta maxaan banaanka uga soo wada casheyn weynnay.”, maxaa yeelay; waxaa dhici karta inuu isaguba doonayo, laakiin uu dhiirrigelin un uu kaa rabo.

-Waxaa wanaagsan marka aad lamaanahaaga wax ka codsaneyso inaad si fudud oo dabacsan aad wax ugu sheegato, si uu wax kaaga maqlo oo uu kaala doodo markii uu fikaraddaa ku qanci waayo.

-Waxaad raaci karta waddooyin kale; sida; inaad warqad yar ugu dhajiso muraayadda uu isku daawado, amba inaad farriin qurux badan u dirto.

– Sidaas oo kale, codsigaaga ku dar, waxyaabaha hortabinta u leh qoyska, si uu lamaanahaagu ugu fakaro in arrinku uu yahay shey muhiim ah oo ay waajib tahay inuu fuliyo.

-Waxaa wanaagsan inaad u muujiso sida aad u qadarineyso dadaalkiisa iyo tacabkiisa oo farxad uu qoyska ugu horseedayo, kadib codsigaaga raaci oo ku dar waxyaabaha qoyska faraxadda u horseedaya iney ka mid tahay, si uu lamanahaagu ugu fakaro oo uu kaagala doodo codsiga aad dooneyso inaad ka meel mariso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close