Wararka

Talooyin Ku Aaddan Habka Aad u Dhaqmeyso Marka Laguu Magacaabo Jago Cusub (Muuqaal)

Talooyin Ku Aaddan Marka Lagu Magacaabo Jago Cusub

Tallaabo kasta oo noloshaada ku cusub waxey kaaga baahan tahay inaad raaco talooyin cusub oo marxaladdaa aad ku dhaqmeyso, sidaa darteed; qofka waxa uu helaa jago cusub, oo ay waajib tahay in habkii shaqada uu wax ka bedelo uuna raaco talooyinka qaar ee ku garabsiinaya inuu horumariyo howlgudashadiisa,  waa sida uu qoray website-ka “The balance careers”.

Talooyin ku addan marka jago cusub laguu magacaabo:

-Waxaa wanaagsan inaad la mucaamisho dadka ka helayso dhiirrigelinta ee shaqada kugu garabsiinaya, ka fogow kuwa cabashada badan ee isku daya iney ku niyad jabiyaan, arrinaasi waxey kugu taageeraysaa inaad noqoto qof yididiilo wanaagsan oo waxyaabo cusub oo uu u baahan yahay kororsada.

-Kororso xirfado cusub oo isku day inaad qoontaada kobciso,  aqoon kororsigaas oo kugu garabsiinaya howlgudashadaada, kuna habboon marxaladdaa la taagan yahay, si aad awood ugu yeelato inaad naftaada soo saarto, maamulkaagana aad u raalligeliso.

-Raac oo si wanaagsan u qaado talooyinka iyo toosinta kaaga imaaneysa saaxibaadada shaqada ee ay ka mid yihiin maamulayaashaada, talooyinkaas si wanaagsan ugu dhaqan.

-Markii aad mushkilad dareento oo arrin ay kugu adkaato, dadka khibradda u leh garab weydiiso, kuwaas oo aad u fahmi kara xaaladda si aragidaada ka wanaagsanna wax u arki kara, u bandhig dhibaatada ku haysata waxna ka baro.

-Ku dadaal inaad ka qeybgasho shirarka kala duwan ee muhiimka u ah shaqadaada, si wanaagsanna u dhageyso ra’yiga kala duwan ee saaxiibada shaqadu ay is dhaafsanayaan.

-isku day inaad xiriir fiican la yeelato saaxibadaada shaqada, maamulayaashada, dhiirrigeli shaqo wadareedka iyo in wax la wada qabto.

-Xilli hore shaqadaada soo gal, si aad u caddeyso inaad wax qabato inuu dhab kaa yahaya  u is muuji oo banaanka soo dhig in aad u qalanto jagada cusub ee laguu magacaabay.

ٴ

Goobjoog Edu

Related Articles

Close