Wararka

5 Talo oo Ku Aaddan Sida Aad Lamaanahaaga Uga Dhigan Karto Shaqsi “Romantic” Ah (Muuqaal)

Maxaad Sameyn Lahayd Si Aad Lamaanahaaga Romantic Uga Dhigato

Waxaa jira rag badan oo nolosha si caad ah ula falgala oo aan romantig noqon marka ay guri yeeshaan si ka duwan marka ay bannaanka joogaan, oo ku dhaqma maahamaahda ah, dumar been baa lagu soo xero galiyaa runna waa lagu dhaqaa, arrintaas oo lamaantooda ka dhigta mid aan faraxsaneyn, waxaa xaalka sii adkeynaya arrin ay dumar badan aamisan yihiin oo ah  in ninka ragga ah uu marwalba noqodo qof romantig ah oo ay waajib ku tahay, markaa haween badan ayaa ku wareera sida ay ula dhaqmi lahaayeen lamaanahooda iyo sidii ay ugu sheegan lahaayeen waxyaabaha ay dhibsanayaan ee dhibaatada ku ah nolosheeda.

Hadaba, sid aad lamaanahaaga uga dhigto mid romantic ah, ku dhaqan qodobadan:

  1. Usheeg waxaad dooneyso

Waxaa suurtaggal ah in lamaanahaagu ku baraarugsneyn inaanuu romantic u ahayn sidii loo baahnaa, sidaa darteed; waxa ugu horreeya ee ay waajib tahay inaad sameyso; waa inaad u sheegto in mushkilad dhab ah ay dhexdiinna taallo, marka uu dareemo muhiimadda arrinka aad ka hadleysaa uu leeyaay iyo dia uu kuula weyn yahay yahay, aad ayuu ugu baraarugayaa dhibaatada jirta, waxaana uu isku dayayaa sidii uu romantic ku noqon lahaa, ha kala baqan inaad u sheegto waxa laabtaada ka dhex guuxaya ee runta ah.

  • Naftaada ku dadaal

Romantic yarida lamaanahaaga waxaa dhici karta iney ka dambeyso  daryeelka naftaada oo hooseeya, sidaa darteed; ku dadaal naftaada, nadaafaddaada iyo soojiidashadaada, wadadaasi lamaanahaaga waxey dareensiineysaa soojiidasho dhankaaga ah, markaas waxaa la hubaa inuu romantic noqonayo.

  • Ha noqon lamaane codsi badan

Waxaa dhici karta iney jiraan sababo badan oo lamaanahaaga ka hortaaggan inuu romantic noqodo, waxaa ka mid ah inaad tahay qof cabasho iyo codsi badan, arrintaas oo uu kugu nacayo waana arrin aad ka fogaan karto, sidaa dateed; dhaqankaaga si gaar ah u eeg.

  • Hala barbardhigin rag kale

Markii aad sidaa sameyso, waxaad dhaawacysaa qabkiisii, waana arrin ka dhigaysa inaanuu wax muhiimad ah siin inuu romantic noqdo, arrintaasi waxey ka dhigeysaa inaanuu romantic noqon oo sidii hore si ka yar uu muhiimad kuu siinayo, sidaa darteed; ka fogow inaad rag kale la barbardhigto si kasta oo uu xaalku yahay.

  • Dareenka aad u hayso la wadaag iyo sida uu agtaada qiimo uga leeyahay

Lamaanahaaga ha ka bakheylin inaad u sheegto jacaylka aad u qabto iyo sida uu agtaada qiimo uga leeyahay, ku dhiirro inaad is furfurto, sidaas oo kale, jacayllaaga ugu muuji inaad hadiyado guddoonsiiso.

Xaqiiqadaa si wanaagsan u faham, faham shaqsiyadda lamaanahaaga nooca uu yahayna ku qaado, ha moodin in romantic yaraantiisu ay ka tarjumeyso inaanuu ku jeclayn, qof kastaa waxa uu leeyahay wadadiisa gaarka ah ee uu jacaylkiisa ku muujiyo, waddooyinka jacaylka lagu muujiyo shardi maaha in qofku uu romantic noqdo oo waddooyin farabadan oo jacaylka lagu muujiyo ayaa jira, ha isku dayin inaad shaqsiyadda lamaanahaaga bedesho oo dabeecad aanuu lahayn aad u yeesho, shaqsiyadda uu yahay ku qaado, waxaa hubaal ah inad farxad dareemi doonto noloshaaduna ay kuu macaanaaneyso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close