Wararka

Arday Australian Ah oo Ku Guuleystay Inuu Diyaarad Si Nabad ah Dhulka Ugu Soo Dejiyo Kadib Markii Macallinkiisii Uu Geeriyooday Iyagoo Hawada Sare Ku Jira (Muuqaal)


Arday duuliyenimada barta oo u dhashay dalka Australia, ayaa aad loogu ammaannay geesinimadiisa kadib markii safarkii ugu horreyey ee duuliyenimo uu hawada sare ugu galo uuna si nabad ah diyaaradda dhulka ugu soo dejiyay kadib markii macallinkii diyaaradda ku waday ee tababaray uu geeriyooday, diyaaraddan ayaa ku duuleysay hawada sare ee gobolka galbeedka  Australia.

Sida ay wakaaladaha wararka qaarkood ay sheegeen, waxaa la faafiyay cod laga duubay duuliyahan yar ee tababarku u socday, isagoo la hadlaya taalaada ilaadada jawiga ee airportka Jandakoot ee ku yaalla duleedka Koonfureed ee magaalada Bereth, codkiisa ayaa laga dareemayay xasillooni yaab badan kadib markii uu ogaaday in macallinkiisu uu miyir daboolmay iyadoo safarkii lagu gudo jiro, safarkii ay ugu ambabaxeen galabnimadii Sabtida.

Shaqaalihii taallada joogay ayaa duuliyahan yar ku jiheeyay habka uu diyaaradda ugu soo dejin karo airportka, ardaygan ayaa ku guuleystay inuu diyaaradda garoonka ku soo dejiyo, si aad u heersarreysa, diyaaradda ayuu ku soo dejiyey meel ka fog ranweyga diyaaradaha ay ku badan yihiin, iyadoo gawaadhida gurmadka degdegga ah ay goobtii uu ku soo dagay ay si dhakhsiyo ah ugu dhaqaaqeen si ay u taageeraan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close