Wararka

Facebook oo Ku Fakareysa Iney Joojiso Bandhan Ay Dad Badani Qabatimeen (Muuqaal)


Warar ay saaxafaddu heshay ayaa tibaaxaya in shabakadda caanka ah ee Facebook ay ku fakareyso iney joojiso badhan ay malaayiin qof  qabatimeen oo ay aad u adeegsadaan.

Websiteka “Techcrunch”, oo la kulmay dad ku takhasusay teknoloojiyada ayaa warbixin ka diyaariyay in Facebook ay waddo tijaabooyin isbedello barta lagu sameyanayo in gebi ahaanba meesha laga saaro bandhanka (Like), ee qoraallada Facebook lagu faafiyo.

Tallaabadan oo lagu tilmaamay iney tahay mid lama filaan ah ayaa si Facebookga la mid ah la doonayaa in laga joojiyo App Instagramka adeegsiga badhanka Like.

Haweenayda dhanka teknoloojiyadda  ka faalloota ee, Jane Manchun Wong, ayaa sheegtay in la tusay oo ay aragtay tijaabooyinka ay wadaan Facebook, si badhanka (Like) isbedel loogu sameeyo.

Waxaa dhici karta in mid ka mid ah saaxibaadaa uu kaaga soo muuqdo inuu postiga ka helay, oo ay ku ag qoran yihiin tiro kale oo dadkii warbixinta ka helay, laakiin tirada guud ee qoraalka ka heshay laguuma soo bandhigayo oo gabi ahaanba meesha waa laga saarayaa.

Laakiin tirada dadka warbixinta commentiga ka bixisay iyo kuwa wadaaga ee share gareeyay waa sidoodii oo wadartooda guud si caadi ah ayaa loo arki doonaa.

Waxaa la filayaa in Facebook uu bilaariyo tijaabadiisan cusub oo uu gaarsiiyo tiro dad ka badan kuwa hadda lagu tijaabiyay, si hodhow si rasmi ah loogu hirgeliyo.

Facebook ayaa tallaabadan ku sababeysay iney dooneyso iney meesha ka saarto qabantin ay dad badani qabatimeen badhanka (Like) oo qoraalladii faa’iidada lahaa ee ay soo qori lahayaeen ku xira tirada dadka (Like) saara qoraakoodii hore si ay mid cusub usoo dhigaan bartooda ama iney dadka asxaabta ah isku colaadiyaan in qoraaladooda Like loo saari waayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close