Wararka

Fanaanad Spanish ah oo Si Xun u Dhimatay Iyadoo Masraxa Saaran oo La Daawanayo (Muuqaal)


Waxey u ahayd dheesheedii ugu dambeysay ee ay masxaraxa ka ciyaarto kana heesto, heesaaga reer Spain ee Jona Seynis, ayaa geeriyootay kadib markii ay ku dhaawacantay taageeryaasheeda horteeda oo qarax bululeer uu ku qabsaday iyadoo masraxa saaran oo hoosaysa.

BBC ayaa sheegtay, Isniintii, 2 September, 2019,  in Seynis oo 30-jir ahayd ay bandhig ka sameynaysay  masraxa Orkastara ee Super Hollywood ee magaalada Las Berlanas ee ku taalla meel u dhow caasimadda Spain ee Madrid, markii dhacadan ay ku dhimatay ay la kulmeysay.

Bululeerkan ayaa ku qarxay heesaaga oo waxa uu ka soo gaaray dhaawac ay u geeriyootay dhanka caloosheeda, kadib wey miyir daboolantay taageerayaasheeda hortooda, iyadoo dadka daawanayay xilligaa lagu qiyaasay iney 1000 qof ahaayeen,  taageerayaashan ayaa dawanayay fanaanadda iyo kooxdii ay ka tirsaneyd oo kolba la falgalayey qoob ka ciyaarka masraxa ka socday.

Seynis, waxaa loo fidiyay gurmad degdeg ah, waxaana loo qaaday oo loola cararay isbitaalka, waase la badbaadin kari waayay oo wey geeriyootay.

Baraha bulshada waxaa aad ugu faafay, muuqaallo iyo sawirro, muujinaya xilligii uu qaraxa dhacayay ee dhaawacu soo gaarayey fanaanada oo dhulka ku dhacday, markii dhacadani ay dhacday ayaa bandhiggii la joojiyay, masraxiina gebihaanba daaha lagu soo rogay.

Dadkii goojoogayaasha ahaa ee dhacdadan markhaatiga ka ahaa ayaa midkood uu saxaafadda u sheegay: “Labo bululeer ayaa qarxay xilligaas, mid dhanka midig ayuu u baxday, halka mid kalena uu caloosha ka abbaartay gabadha(fananadda ayuu ula jeedaa)”

Dhacadan ayaa waxaa sabab u ah khalkhal ku yimid nidaamka bululeerka ee masraxa lagu qurxinayay, waana arrinta shilkan ka dambeysay ee dhalisay, laakiin dhacdadan ayaa boolisku ay ka fureen baaritaanno lagu hubsanayo sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close