Wararka

Garsoorka oo u Cadaalad Falay Diiqa “Maurise” oo Muddo Isbuucyo Ah Ay Dacwadi Uga Furneyd Gudaha Faransiiska! (Muuqaal)


Garsoore Faransiiska u dhashay ayaa Khamiistii soo saaray xukun loogu ogoalaanayo diigga Moris inuu si caadi ah u qeylin karo, kadib markii muddo isbuucyo ah ay maxkamadi ku furneyd!.

Deriska diiggan ayaa dacwad ka gudbiyey oo ku eedeeyay inuu qeylo dheer yahay, subixii horena uu hurdada ka toosiyo oo uu udiiday iney si wanaagsan iney u hurdaan.

Loyarka diiggan loo qabtay oo la yiraahdo, Juuliyaan Babino, oo la hadlay wakaalada France press, markii maxkamadda dambiyada ee ku taalla Roshfoor(Koonfur galbeed Faransiiska) ay ku dhawaqay xukunka, ayaa sheegay in Moris uu ku guuleystay dacwaddii, dadkii soo dacweeyayna ay ku waajib tahay iney bixiyaan 1000 Euro(Kun Yuro), dhibaatadii soo gaartay haweenayda diiggan leh ee dacwadda lagu furay oo howlo badani ay ka baaqdeen intii ay dacwaddani socotay.

Haweenayda diiggan iska leh oo la yiraahdo Kuuren Fiso, oo looyarkeedii uu garab taagnaa ayaa tir: “aadbuu dareenkeygu u kacsan yahay, waxey isku dayeen iney mushkilad nagu abuuraan, guushanna mid aniga oo kaliya iisoo hoyatay maaha ee waxaa ila wadaaga dad badan oo kiiskeyga mid la mid ah uu haysto.”

Kiiskan ayaa ku bilowday, kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen diiqa Moris lamaane waayeel ah oo baareelay ah oo guri ay ku nastaan xagaaga oo ku yaalla deegaan Aawtfine ee dalka Faransiiska, iyagoo ku doodaya in qeylada xilliga hore ee diiggan Moris ee meel u dhow gurigiisa jasiiradda Oleron ee xeebaha Atlantic ee dhanka Faransiiska xiga.

Laakiin si dhekhsiyo ah ayaa warkani uu u dhaliyay guux dhanka warbaahinta dunida ah oo ka qoray maqaallo dhaadheer, sida; New York Times, iyadoo ay jirto warqad furan oo lagu taageerayo diiqan oo ay saxiixeen 140-kun oo qof oo si rasmi ah u saxiixay gudaha Faransiiska.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close