Wararka

4 Arrimood oo Aaney Habbooneyn Inaad Uga Tanaasusho Lamaanahaaga.. Ixtiraamka iyo Shaqada Ayaa Ugu Muhiimsan (Muuqaal)


Gabdho badan waxey isku dayaan iney lamaanahooda raalligeliyaan, iyagoo uga tanuusula waxyaabo badan si ay u farxad geliyaan dhinaca kale, arrintaas oo hodhow usoo jiidda dhibaatooyin badan oo dhanka nolosha ah, sidaad dartee; waxaan maanta soo gudbineynaa arrimo dhowr ah oo ay tahay inaaney gabadhu ka tanasulin si ay ugu raalligeliso lamaanaheeda, waana sida uu qoray websiteka “Family Share”:

  1. Haka Tanaasulin Mabaadi’daada Aad nolosha u dagsatay

Haddii lamaanahaagu uu kaa codsado inaad ka tanaasusho qeyb ka mid ah mabaad’iida gaarka kuu ah ee nolshadaa horumarkeeda aad u dagsatay ha aqbalin, maxaa yeelay; nolosha aad sameysatay ee mabaadi’da gaarka kuu ah aad ku dhisatay waxey noqotay qeyb naftaada ka mid ah oo marnaba aadan ka tanasuli Karin, haddii aad ka tanaasusho waxey ka dhigan tahay inaan shaqsiyadaada ka taasushay.

  • Qoyska iyo Asxaabtaada

Isku day inaad qoyskaaga u ahaato sidii aad u ahayd guurka ka hor, yaaney ku saameyn ra’yiga aan wanaagsaneyn ee lamaanahaaga uu qoyskaaga kaaga sheego ama uu ka aaminsan yahay, xiriirkaa marnaba ha ka tanaasulin, ka dhaadhici lamaanahaaga sida ay qoyskaagu lagama maarmaan ugu yihiin noloshaada.

  • Ixtiraamka

Haddii lamaanahaagu uu aaminsan yahay inaad ka hoosayso dhinac kasta oo ay tahay, waxey ka dhigan tahay in xiriirkaasi yahay mid aan isku dheellitirneyn, markaa waxaad u baahan tahay inaad miisaaka bartiisii dhexda ahayd aad ku soo celiso, si dhinac walbaa dhinaca kale si sima oo aan kala sarreyn lahayn uu u ixtiraamo.

  • Riyooyinkaaga iyo yoolkaaga nolosha ha ka tanaasulin

In badan xiriirka waxaa dhacda in dhinac ka tanaasulo yoolkiisa nolosha oo dhincii kale uu waxwalba u huro, arrintaas oo naftiisa uu ku dhibaateeyo, marnaba ma habboona inaad ka tanasusho yoolkaaga nolosha iyo riyooyinka kugu taagan ee aad dooneyso inaad xaqiijiso, raadi waqtiga ugu habboon si aad riyadaada u xaqiijiso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close