Wararka

Moto Bajaajta oo La Macasaalameynayo.. Masar oo Ku Dhawaaqday Tallaabada Bedelka u Ah (Muuqaal)


Ra’iisul-wasaaraha Masar, ayaa Khamiistii, ku dhawaaqay tallaabo lagu bedelayo moto Bajaajta ka howlgasha gudaha Masar lagu bedelo gaadiid aamin ah oo raqiis ah oo waddooyinkiisa Masar loo adeegsado.

Ra’iisul-wasaaraha Masar, Dr. Mustafa Madbuuli, in la bilaabo barnamij loogu bedelayo bajaajta gawaadhi aamin ah oo ka raqiisan, sida; gawaadhida “Minivans” oo ah gaadiid u sameysan sida gawadhida raaxada oo kale, laakiin loogu talogalay iney qaadaan 6,7,ilaa 8 qof oo loogu talogalay rakaabka, gawaadhidan ayaa ku shaqeeya gaas dabiici ah.

Bajaajta,sida aan naqaanno, waa gaadiid yar oo matoor yari saaran yahay wax albaab ahna aan lahayn, waxaa loo adeegsadaa sida; tax oo kale,qiimaheedu aad ayuu u jaban yahay, waxaa laga adeegsadaa daafaha kala duwan ee magaalooyinka iyo tuulooyinka.

Ra’iisul-wasaaraha Masar, Dr Mustafa, ayaa hoosta ka xarriiqay in barnaamijkan cusub ee bajaajta lagu bedelayo uu falcelin wanaagsan ka heli doono guud ahaan bulshada, waxaa la helayaa gadiid aamin ah oo dadka lagu aamini karo, raqiis ah, casir ah oo ay muwaadiniinta gaadiid u noqda, sidaas oo kale, kumaana qof u noqda shaqo abuur oo barnaamijka cusub shaqo ka helaya.

Wasiirka maaliyadda Masar Dr. Maxamed Muciid ayaa dhankiisa sheegay in mashruucan cusub ee Bajaajta lagu bedelayo ay taageeryaan saameynta wanaagsan uu leeyahay darteed; waxaana uu tilmaamay in guddi wasaaradda ka tirsan ay diyaar u yihiin iney barnaamijka cusub fuliyaan oo iyaga gacanta loo geliyay habkii fulintiisa loo hirgelin lahaa.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay xafiiska ra’iisul-wasaaraha ayaa sheegay in dhawaan ay shir la yeelan doonaan warshadaha lagu sameeyo Bajaajta ee gudaha Masar ku taalla, si waxsoosaarkooda ugu bedelaan gaawadhida “Minivans, iyadoo ay jirto in horey lagula heshiiyay iney hoos u dhigaan waxsooraarka Bajaajta, tallaabo hordhac u ahayd barnaamijka gebi ahaanba lagu bedelayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close