arrimaha bulshadaWararka

Duuliyihii Diyaaradda Kaxeyn Lahaa Ayaa Kasoo Dib Dhacay.. Hogaankii Waxaa La Wareegay Shaqsi Ka Mid Ahaa Rakaabka oo Dhar Bedeshay! (Muuqaal)


Waxaa dib u dhacay safar ka mid ah shirkadda  Easy Jet oo ka duuleysay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska una socotay magaalada Alikanti ee dalka Spain, sababtun waxey ahayd duuliyihii diyaaradda oo safarka ka soo dib dhacay, laakiin dadkii rakaabka ahaa waxaa lama filaan ku noqotay in shaqsi ka mid ahaa rakaabka uu qabsado hoggaanka diyaaradda kun kaxeeyo.

Waxaa gadaal ka caddaatay in shaqsigaasi ahaan duuliye xirfadle ah oo la yiraahdo Maykal Baradli, waxa uu ku jiray safar dalxiis oo uu xaaskiisa iyo wiil uu dhalay ay la socdeen, inta aanuu airportka soo gaarin ayuu maqlay in duuliyihii diyaaradda uu soo dib dhacay, kadib waxa uu horey u soo qaatay Lisankii caddeynayay inuu duuliye diyaaradeed yahay.

Markii uu ariportka yimid, ayuu booliska la xiriiray adeeggiisana uu u bandhigay, sida uu duuliyahan sheegay, boolisku waxey dib ula soo xiriireen 38 ilbiriqsi ka dib, waxaana laga codsaday inuu diyaaradda kaxeeyo, inta aaney safarku bilaaban, waxa uu ka soo baxay halka diyaaradda laga hoggaamiyo  waxaana uu ka dhaadhiciyay rakaabkii sida ay wax u jiraan oo si wanaagsan ayuu wax ugu sheegay, qofna kuma aanuu diidin inuu diyaaradda ka xeeyo, shirkaddii duulimaadku waxey caddeysay iney hubisay in Baradli uu duuliye yahaya  inta aan loo ogolaan inuu diyaaradda kaxeeyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close