Wararka

Haddii Uu Shaki Badan Yahay oo Aanuu Ku Rumeysneyn… Talooyin Ku Aaddan Sida Loola Dhaqmo Shaqsiga Maseyrka Badan (Muuqaal)


Maseyrku waxa uu ka mid yahay calaamadaha Jacaylka, laakiin xilliyada qaar waxa uu isku bedela dab holcaya oo dagaal ka dhex dhaliya lamaanaha, kaas oo marka dambe sababi kara in la kala tago, si arrintaa looga feejignado waxaa lagama maarmaan ah in lamaanaha ay si wada jir ah uga dhaqmaan talooyinka qaar, si maseyrka dhinaca kale loola mucaamilo, waa sida uu qoray website-ka “Powerofpostivity”.

Talooyin ku aaddan sida lamaanaha masayrka badan loola dhaqmo

-Waxaa waajib ah inaad ogaato sababta aasaasiga ah ee keenaysa inuu maseyr dareemo, ma waxa uu ka dhalanayaa la mucaamilka qof hore ay lamaanihiisa xiriir wadaag ay  ahaayeen, mise waa mid ka timid kalsoonni darro uu lamaanahaagu qabo oo aanuu u dulqaadan Karin in lamaantiisu ay qof  kale la xiriirto si kasta oo ay ahaato.

-Waxaa waajib ah inaad naftaada booskiisa oo kale aad ka soo qaaddo, xaaladdiisa oo kale is- gee si aad u fahamto sababta uu u masayrayo.

-Waxaa waajib ah inaad ogaato in masayrku uu yahay jacayl iyo daneyn uu qofku kuu hayo, mar haddii aanuu shaki la socon oo lamaanaagu aanuu ahayn qof shaki badan.

– Dhinca kala  hadal sababta uu u masayrayo wax ka weydii, isku day inaad niyadda u qaboojiso, adigoo ka fogaanaya waxyaabaha uu ka masayrayo.

– Waxaa waajib ah inaad noqoto qof run sheeg badan oo aan waxba ka qarin lamaanihiisa, si aanuu hadhow lamaanahaagu masayr u dareemin marka uu xaqiiqada dhinac kale ka ogaado.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close