Wararka

Haweenay Gurigeeda u Iibisay Si ay u Booqato 20 Dal oo Yurub ah Labo Sanno Gudahood Iyadoo Ay La Socdaan Xubanaha Qoyskeeda (Muuqaal)


Hooyadan ayaa waxey go’aansatay iney iibiso gurigeeda, si ay ugu safarto daafaha kala duwan ee dunida, labo sanno gudahood ayaa waxey ku booqatay labaatan dowladood, hadana waxey dooneysaa inaaney hakan iyadoo ay jirto iney  7 bilood oo uur ah ay leedahay.

Janefar Konistanti oo 33 jir ah oo ka soo jeedda Biristol oo uu la socdo ninkeeda Tarry, oo 37 sano, iyo wiilkeeda Ithan, oo saddex jir ah, ayaa waxey iibisatay gurigeeda oo ka koobnaa afar qol hurdo oo laga siiyay qiime 310-kun oo giniga istarliinka ah, waxaa kale oo ay iibisay alaabtii gurigooda sanadkii 2016, si ay ugu safraan daafaha kala duwan ee Yurub iyo caalamka, waxey guri ka dhigteen gaari kolba guurguura, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail eedalka Ingiriiska ka soo baxda.

Jareefar ayaa sheegtay in shaqadeedu ay u ogolaaneysay iney waqti kooban oo ciriir ku ah ay la qaadato qoyskeeda, sidaa darteed; ay goosatay iney isbedel ku sameyso nolosheeda.

Haweenaydan ayaa waxey sameysatay shirkad u gaar ah oo ay ugu magac dartay Janefar Kaler Media, oo ka shaqeysa adeegyada arooska si online ahna ahna looga tukaameysto, sharkadeeda yar iyo saddex shaqo oo kale oo ay isku hayso oo dakhli fiican ay ka hesho sanadkii.

Hadda xilligan la joogo, iyadoo ay jirto in Janafar ay laba bilood gudahood iney ku dhasho la filayo ayaa hadana  ay goosatay inaaney gaabin ee ay safarkeeda sii wadato.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close