Wararka

Shiineysku Ma Ka Siman Yihiin Cunista Hilibka Eeyda iyo Cayayaanka? 5 Khuraafaad oo Laga Aaminsan yahay Cuntada Shiinaha (Muuqaal)


Dad badan ayaa Shiinaha iney booqdaan  uga cabsada waxyaabo badan oo ay ka maqleen dhanka raashinkooda, laakiin waxyaabo badan oo raashinkaa laga sheego sax maaha, sidaa darteed; waxaan idiin daahrogeynaa 5 khuraafaad oo laga sheego jikada Shiinaha, laakiin sida la moodayo aan ahayn.

  1. Raashinka waddooyin lagu iibiyo waxaa u badan cayayaan iyo baranbaro karsan.

Xaqiiqaduse waxey tahay: Sida dhabta ah cayayaanka iyo baranbarada waxaa lagu iibiyaa tiro maqaayado ah oo aad u kooban oo ku yaalla gudaha Shiinaha.

  • Cunnooyinka maqaayadaha waxaa lagu cunaa qoryo oo  kaliya.

Xaqiiqaduse waxey tahay: Sida xooggan ee ay dadku u jecel yihiin cunnooyinka Shiinaha, ayaa ka dhigtay in maqaayadaha ay miiska soo saareen midiyo, qaadooyin iyo fargeetooyinka raashinka lagu cuno oo aad ku bedelan karo qoryaha dhaqanka ah ee Shiinuhu ay cuntada ku cunaa.

  • Inta badan dadka Shiinuhu waxey cunaan hilibka Eeyda.

Xaqiiqadu waxey tahay in dad badan ay iska daayeen iney cunaan hilibka Eeyda, sababtun waa rabitaanka dadka diiddan ee ka soo horjeeda oo soo kordhaya, hadda waxaa ku soo haray oo cuna tiro dad kooban ah.

  • Cunnooyinka Shiinaha mid caafimaad ma aha, maxaa yeelay; cusbada iyo saliidda ayaa ku badan

Xaqiiqada dhabta ah: raashinka qaar ayaa cusbada iyo duxdu ku badan tahay, laakiin hadda maqaayado badan ayaa ku baraarugay oo bilaabay iney bixiyaan raashin caafimaad oo ay macaamiishooda siiyaan.

  • Maqaayadaha Shiinaha waxaa laga helaa bariis oo qura,

Xaqiiqada: dalxiisayaasha Shiinaha u dalxiistaga ayaa waxey maqaayado badan ku khasbeen iney rooti sameeyaan oo qofkii raba bariiska loogu bedelo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close