Wararka

Boqolaal Xujey Ah oo Geeri Ka Badbaaday Kadib Markii Ay Shil Gashay Diyaaraddii Ay la Socdeen (Muuqaal)


550 xaaji ayaa geeri ka badbaaday, Sabtidii, kadib markii diyaaradoodu ay ka baxday khadkii duulimaad ee ay ku socotay airportka Mina ee Caalamiga ah, diyaaraddan ayaa ka soo noqotay Sucuudiga oo wadday rakaab xujey ah oo soo guryo noqday.

Ilo wareedyo ka ag dhow airportka ayaa sheegay in diyaaradda Being 744, oo daabuleysay Xujayda soo guryo noqonayay uu khalkhal dhanka qalbka ah ku yimid, kaas oo khasbay in duuliyuhu uu diyaaradda ku dejiyo goob aan loogu talogalay, arrinaas oo dhankeeda keentay iney dhibaato soo gaarto mid ka mid ah matoorka afarta ah ee diyaaradda.

Rakaabka ayaa diyaaradda laga daaadgureeyay si dhekhsiyo ah, kadib markii ay diyaaraddu ka baxday khadkii loogu talogalay.

Shaqsi dhacdadan goobjoog ka ahaa oo ka mid ahaa shaqaalihii airportka ayaa yiri: Qofina ma aanuu dhiman, laakiin waxan wax la mid ah weli imey soo marin.. waxaa dhici kartay iney diyaaradda dab ka kaco, oo dadku ay ku dhibaatoodaan, maadama aaney goobta ka ag dhaweyn gaadiidka dabdamiska ah.

Xafiiska dabagalka iyo baaritaanka shilalaka ee Nigeria ayaa sheegay inaan dhacdadani saameyn ku yeelan doonin howshii lagu soo daabulayey xujeyda oo weli labo kun oo xaaji ay ku harsan yihiin gudaha Sucuudiga.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close