Wararka

Dhaqamo Sahalan oo Lamaanahaaga aad u Sameyn Karo oo Si Weyn U Kobciya Jacaylku (Muuqaal)


In la ilaaliyo dareenka jacaylka awoodda badan ee xiriirka lamaanaha is qaba arrin sahlan maaha, sababtuna waa cadaadiska xooggan iyo mas’uuliyadaha faraha badan ee dhanka nolosha, sidaa darteed; khubarada cilmiga bulshadu waxey soo gudbinayaan dhaqamo fudud oo aan u baahneyn is kalifaad, dareenka jacaylka lamaanaha xoojiya.

Habdhaqanka xoojiya dareeka jacaylka ee lamaanaha

  1. Maalin walba wax u khaas ah samee.

Waxaa shaki la’aan ah inaad og tahay arrimaha uu lamaanahaagu farxad ku dareemo qalbigiisana aad farxad ugu abuuri karto, sidaa darteed; ku dadaal inuu maalin walba kaa helo wax aad ku farxad geliso, eray macaanba ha noqdaane.

  • Dareenkiisa iyo doonistiisa fiira gaar ah u yeelo

Xoogga ha saarin waxaad dooneyso oo qura, hana illoobin doonista iyo rabitaanka lamaanahaaga ee ay waajib tahay in la dhowro, sidaa dateed; marwalba ha kugu taagnaadaan waxyaabaha uu kaa rabo, han yareysan waxwalba oo dhaca.

  • Usheeg doonistaada

Filashadaada sare ha u qaadin, maxaa yeelay; lamaanahaagu sixiroole maaha farta ku fulinaya waxwalba oo aad ka codsato, laakiin hadana waxaa hubaal ah inuu ku dadaali doono inuu kaa haqabtiro waxwalba oo aad u baahan tahay, laakiin bilowga waxaa lagaa rabaa waxa aad dooneyso inaad u sheegto si cad oo aan mugdi ku jirin.

  • Dhaqankaaga ilaali

Dareenkaaga yaanuu kaa awood badan xilliyada aad dareemayso carada,  murugada iyo masayrka. Waa sax oo wey adag tahay inuu qofi dareenkiisa xakameeyo, laakiin qofku falcelintiisa ayuu xakameyn karaa, marka aad falcelin sameynayso caqligaaga adeegso, si xikmad iyo caqli ku jiro u dhaqan.

  • U Mahadceli

Xitaa haddii waxa uu sameyanayaa ay yihiin wax sahlan ama iska caadi ah adiga aragtidaad, haka labo labeyn inaad u mahadceliso oo aad u muujiso sida aad u qadarineyso, si uu u dareemo qadarinta iyo jacaylka aad u qabto iyo daneynta aad u hayso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close