Wararka

Geeri Ayuu Si Layaab leh Uga Badbaaday.. Wiil yar oo 8 Jir Ah oo Libaax La Dagaalamay Si Uu Naftiisa Uga Badbaadiyo (Muuqaal)


Ilma yar oo Mareykanka u dhashay ayaa dagaal nolol iyo geeri ah la galay libaaxa , waxa uu awooday inuu ka guuleysto isagoo adeegsanaya ul yar oo uu gacanta ku haystay.

Wiilkan yar oo la yiraahdo, Bayk Karlasoon oo 8 jir ah, ayaa libaax uu soo weeraray xilli uu walaashiisa ka weyn ee Jeejii la ciyaarayay, xilligaa waxey ku sugnaayeen beerta gurigooda oo ku taallay degmada Bayli ee gobolka Kolorado ee gudaha dalka Mareykanka.

Aabaha wiilkan yar dhalay, ayaa sheegay inuu libaaxu dhinaca geed uu u jiitay wiilka yar, xilli uu wiilkiisu uu si xoog leh u qaylinayay si loogu soo gurmado, aabihii ayaase middi la soo cararay si uu u badbaadiyo.

Aabaha wiilkan yar dhalay oo la hadlay shabakadda MBC news ee dalka Mareykanka laga leeyahay ayaa yiri: “Libaaxu afkiisa ayuu ku haystay, markii aan gaaray, waan ku booday si aan u badbaadiyo, waxaan ogaa inuu idil karo oo aan dhiman karay.”

Hadalkiisii ayuu sii watay: “Kama baqaneyn waxa dhici kara, waxa iigu muhiimsanaa waa inaan wiilka badbaadiyo.”, waxa uu tilmaamay geesinada wiilkiisa Bayik oo uu yiri: “Wiilkeygu libaaxa waxa uu iskaga dhiciyey wixii uu heli karay oo ahaa ul yar oo uu gacanta ku haystay oo uu iskaga difaacay.”

Kadib markii uu libaaxii baxsaday, wiilka yar il ayuu ka dhaawacnaa, aabihii waxa uu sheegay in wiilkiisu uu wada dhiig ahaa, oo meelo badan oo wejigiisa iyo madaxa ah uu dhaawacnaa, maadaama uu libaaxu miciyo sura.

Dhakhaatiiru waxey labo qalliin ku sameeyay wiilkan yar oo ay toleen, waxeyn sheegeen inuu baalka isha qalliin kale uga baahan yahay, laakiin waxey sheegeen inuu dhawaan soo caafimaadi doono oo noloshiisa aan wax welwel ah loo qabin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close