Wararka

120-kun oo Dolar Ayaa Si Lama Filaan Ah Ay Ugu Arkeen Accounkooda.. Kadib Waxaa Dhacday “Dhibaato” (Muuqaal)


Lacago farabadan ayaa soo galay lamaane Mareykanka ka soo jeeda kadib markii ay si lama filaan ah ku heleen 120 kun oo dolar oo ku jirta accounkooda gaarka ah ee bankiga ay ku leeyihiin, laakiin arrintu gadaal ayey ka xumaatay kadib markii si aan ka fiirsasho lahayn ay u isticmaaleen lacagta oo ahayd mid lagu soo khalday.

Jariidada Washington Post ee dalka Mareykanka ka soo baxda ayaa qortay Axaddii in lamaanahan is-qaba ee Robot Wilyamis iyo xaaskiisa, Tiifaani, oo ka soo jeedda gobolka Bansalfeniya, ay rumeysan kari waayeen sida ay wax u dhacayaan, lacagtii ayay ku feetabalaaseen oo labo isbuuc gudahood ay kaga soo dhalaaleen.

Sheekadana ayaa bilaabay dhammaadkii May, xilligaas oo bankiga BB&T uu ku shubay 120-kun accounka lamaanahan oo si khaldan ay lacagtu ugu soo dhacday.

Isla markiiba, lamaanahan ayaa u degdegay iney lacagta ku iibsadaan gaari, kharashaad badan oo lagu lahaana ay iskaga bixiyaan, saaxibadoodna ay qeyb ka siiyaan oo 15-kun ayey ugu deeqeen.

Markii la gaaray 19 Juun, ayaa lamaanahani ay kharash gareeyeen 107-kun oo dolar, markii uu bankigu la soo xiriiray oo laga dalbaday iney soo celiyaan lacagtii lagu soo khalday.

Hawenayda oo xilligaa bankiga la hadashay ayaa sheegtay iney ninkeeda kala hadli doonto arrinta oo ay isla meel dhigi doonaan tallaabooyinkii ay ku bixin lahaayeen lacagta.

Laakiin, lamaanahan ayaa baxsaday, arrintaas oo keentay in bankigu uu booliska la xiriiro, kadibna waxaa suurtagashay in la soo qabto.

Washington Post, ayaa  sheegtay in Robort iyo xaaskiisa Tifani la horgeeyey maxkamadda oo lagu soo eedeeyay dambi xatooyo ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close