Wararka

6 Faa’iido oo Foolxumadu Ay Leedahay oo Dad Badan Ra’yigooda Wax Ka Bedeshay (Muuqaal)


Daraaasad uu sameeyay mac’hadka Kalaawdiya ee dalka Brazil ayaa waxaa ra’yi uruurin lagu sameeyay dumar iyo rag da’doodu u dhaxeyso 50 illaa 70 sanno oo ka koobnaa jinsiyadaha kala duwan, iyadoo ra’yi uruurintan laga sameeyay dhanka Internetka, dadkii ka qeybgalay 70% waxey sheegeen in taatuuga jirka la marsado uu yahay shay foolxumo ah oo aanuu quruxda xiriir la lahayn, maadama uu dhalanrogayo abuuristii qofka, sidaas oo kale, dadka qaar musbaar dhirirkiisu yahay 5 santiimitir ayey sankooda iyo dhagihooda surtaa, dadka badankoodu waxey isku raaceen in waxyaabaas oo dhan oo xilligan aan joogno model ah ay foolxumo ka tarjumayaan, laakiin arrinta isweydiinta leh ayaa ah in dhalinyarada xilligan ay aad u jecel yihin iney jirkooda tattuuga ku midabbeeyaan si ay u gaaraan danta ay leeyihiin oo ah ine ysoojiidasho ku helaan, iyadoo ay dhici karto iney xilliyada qaar wejiyada masaamiir ay iska suraan amaba ay waxyaabo kale ay ku xardhaan wejigooda

Mowduucan aan ka hadleynno waxa uu doodo ballaaran ka dhaliyay baraha-bulshada, gaar ahaan Facebook oo 60% dadka da’doodu u dhaxeyso  50-70 ay aaminsan yihiin in la joojiyo dabbaaldagyada sanad laha ah ee dowladaha qaar ay dadka foosha xun niyadda ugu dhisaan ee ay u bixiyeen maalinta garab istaagga dadka foosha xun, maadama maanta dunidan aan joogno wax foolxunba aanuu jirin, oo wixii shalay foolxumaa ay maanta dad badani ku xaragoodaan.

Hadaba, waxaa is weydiin leh foolxumadu faa’iidooyin ma leedahay

Dad badan ayaa aaminsan in foolxumadu ay faa’iidooyin leedahay uuna ogaan karo qofka foosha xun oo kaliya, ama markaan dhan kale u dhigno dadka aan lahayn astaamaha quruxda oo dadku aaney qurux ku tuhmeyn, hadaba maxay tahay faa’iidooyinka foolxumadu ay leedahay ee ay soo jeediyeen dadkii daraasaddan ka qeybgalay?

  1. Foolxumadu waxey yareysaa inaad ku mashquusho yaa qurxoon yaase ka sii qurxoon

Lagdanka xilligan ay dadku ku tarmaan taatuuga ay jirka ku xardhaan, dharka jeexjeexan ee model ka ah waxey qariyeen oo ay dabooleen quruxdii, markaa waxwalbaaba waxey noqonayaan wa foolxun, sidaa darteed; loomaba baahna inaad waxbadan ka welwesho quruxda muuqaalkaaga ama jirkaaga, maadama aad awooddo inaad jirkakaga taatuu ku wada sawirto ama aad daldalooliso.

  • Quruxdu waxey noqotay shay naadir ah marka loo barbardhigo foolxumada lugeyneysa ee magaca modelka wadata.
  • Dadku wey la qabsadeen

Foolxumadu shey dadku ay la yaabaan maanta maaha, maadama lala qabsaday, dadku maalin walba waxey isha ku qabtaan waxyaabo yaab badan , sidaa darteed, wixii ay shalay dadku u haysteen inuu foolxun yahay maanta wey la qabsadeen oo agtooda caadi ayuu ka noqday.

  • Waxaa dhacda in foolxumadu noqotay wadada guusha

Waxaa jira dad farabadan oo guulo waaweyn oo dhanka nolosha ah ku gaaray foolxumadooda, maadama ay daahrogeen dhar shalay laga aaaminsanaa inuu  yahay mid foolxun oo ay model ka soo dhigeen, sidaa darteed; foolxumadu maanta waxey noqotay mid guulo waaweyn u soo hoysa dad badan.

  • Marka foolxumada la ixtiraamo qurux ayey isku bedeshaa

Dad badan ayaa sheegay in foolxumadu ay qurux isku bedesho haddii la ixtiraamo oo model loo bixiyo, ama magacyo kale oo ay dadku ixtiraamaan loo sameeyo.

  • Waxa qor la foolxun ayaa mid kale la qurux badan

40% dadkii daraasaddan ka qeybgalay ayaa waxey ka sinnaayeen oraahda ah wax qof  la foolxun qof  kale ayay la qurux badanaan karaan, sidaa darteed; waa lagu kala aragti duwan yahay quruxda iyo foolxumada, arrintaas oo faa’iido kale noqon karta.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close