Wararka

Boqorkii hore ee Maleysia oo ka Qoomameynaya Guurka Uu Guursaday Boqoradda Quruxda Rasia.. Ogow Sababta (Muuqaal)


Suldaan Maxamed al-Khaamis, boqorkii hore ee Maleysia, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay doorashadiisii dhanka nolosha ee uu ku guursaday boqoradda quruxda Ruushka carshigiisii boqortooyana uu ka tanasulay.

Maxamed al-Khaamis ayaa guursaday sanadkii hore Rehana Oksana Fiyofodina,  oo horey ugu guuleystay boqoradda quruxda Ruushka, guurkaa kadib waxa uu ka tanaasulay carshigii boqortooyo, bishii Janaayo, iyadoo ay jirtay cadaadis badan oo dhanka xiriirkooda ku saabsan, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Suldaankan oo weli xukuma gobolka Kilaantaan, ayaa carrabka ku adkeeyay inuu Oksana uu furay, laakiin qadiyaddan ay weli ku hareeraysan tahay mugdi farabadan, waa sida lagu sheegay bayaan lahjad adag ku qornaa oo ka soo baxay qasriga boqortooyada.

Suldaanku waxa uu yiri: “Boqoraddii hore ee quruxda Moscow qoyska reer boqortooyo sumcaddooda ayey dhulka la gashay, qoraallada ay baraha bulshada ku faafisana ay keentay in la furo” lamaanahan ayaa isku dhalay wiil yar oo afar bilood jir ah, oo ay u bixiyeen Liyoon, laakiin suldaanku waxa uu sheegay in furriinka aanuu ilmahan yari shaqo ku lahayn.

Bayaanka qasriga boqortooyada ka soo baxay ayaa lagu yiri: “Suldaanku waxa uu aad uga xun yahay doorashadiisii shaqsiga ahayd ee noloshiisa gaarka ah, taas oo dhalisay sumcad darro soo waajahday qoyska boqortooyada soo waajahday arrintaas oo dhalisay in qoysku ay ka baadaan oo ay geli kari waayaan baraha bulshada, oo marwalba lagu arkayay warar xan ah oo aan lagu kalsoonaan Karin.”

Bayaanku waxa uu sii raaciyay: “Qasriga Killanta waxa uu aad uga xun yahay oo uu cambaareynayaa sawiradda khaaska ah ee Suldaan Maxamed al-Khaamis oo la soo dhigayo laguna faafinayo baraha bulshada, iyo dhammaan qoraallaadda aan habbooneyn ee arrimaha shaqsiga ah ee gaarka u ah boqorka ee lasoo galinayo baraha bulshada.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close