Wararka

Da’yar Laayay Xubnaha Qoyskiisa Kadib Markii Uu Ogaaday Sir Ku Saabsan “Hooyadii” (Muuqaal)


Kuray yar oo ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa ku dhacay dambi aad u foolxun oo uu ka galay xubnaha qoyskiisa, waxa uu dilay 5 ka mid ah qoyskiisa, kadib markii uu ogaaday “sir qoys” oo in muddo ah laga qarinayay, waa sida ay sheegeen warbaahina Mareykan.

Sida uu sheegay webisteka Fox news, oo wareysi la yeeshay qof ka mid ah qaraabada dambiilaha, ayaa u sheegay websiteka in wiilkan yari ee kurayga ah uu dambigan galay kadib markii uu ogaaday in haweenaydii soo korisay illaa yaraantiisii aaney hooyadii ahayn ee ay tahay eedadii uu aabihii qabo.

Booliska Mareykanka ayaa sheegay in dambiilahan oo aaney xusin da’diisa isla markaana ay ku kaaftoomeen oo qura inuu yahay kuray yar, ayaa ugu horreyn aabihii xabbad ku furay, kadib eedadii, waxa aanuu ka reebin saddex caruur ah oo la dhalatay oo uu sii raaciyay xabadda.

Sidaas oo kale, qof ka mid ah qaraabada dambiilahan ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu fuliyo dambigan aadka u foosha xun, kadib maalmo un markii uu ogaaday sir laga qariyay illaa yaraantiisii.

Boolisku ma aaney shaacin magaca dambiilahan maadaama uu da’yar yahay oo aanuu weli qaangaar ahayn, laakiin baaritaannadii la sameeyay waxaa lagu ogaaday inuu si yaab badn u dhaqmayay bilihii la soo dhaafay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close