Wararka

Faraska Ugu Gaaban Adduunka oo Dhawaan Lagu Qoray Buugga Dhacdooyinka Adduunka ee Guinness World Record (Muuqaal)

Faras Polish ah ayaa galay buugga dhacdooyinka adduunka ee Guinness World Record, waxa uu ku galay inuu yahay faraska ugu gaaban adduunka, dhirirkiisu waxa uu gaaray 56.7 santimitir, qiyaasta qoobkiisa illaa garabka.

Nin beeraaley ah oo u dhashay Poland oo la yiraahdo Batrik Wakatarisina, ayaa  soo iibsaday faraskan oo yar oo laba bilood un jir sanadkii 2014, xilligaa xajmigiisa iyo sanadkiisu wey is lahaayeen, laakiin si lama filaan ah ayaa korriimadiisu u joogsatay, waa sida lagu daabacay buugga dhacdooyinka adduunka ee Guinness World Record.

Faraskan yar oo la yiraahdo Bombil ayaa waxa uu yahay asal ahaan nooc ka mid ah fardo ay dhaqan jireen Cali-baysteenka Mareykanka oo lagu yaqaannay, iyadoo ay waajib ahayd in faraskan dhirirkiisu uu gaaro 160 santimitir.

Bombil, waxa uu ku nool yahay magaalada Lodis, waxa uu booqdaa isbitaallada caruurta mar bishii, si uu u farxad geliyo bukaanka da’da yar.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close