Wararka

Malaysia.. Xaflad Guur Wadareed Ah oo Lagu Soo Beegay Taariikh Muhiim ah oo Si Gaar ah Loo Ilaashaday (Muuqaal)


Maalinta 9/9(bisha sagaalaad sagaalkeeda) Malaysia uma aanuu dhaafay sida wadamada kale ee dunida, maxaa yeelay; 99 lamaane oo asal ahaan Shiinaha kasoo jeeda ayaa go’aansanaday iney mar u wada dabbaaldagaan guurkooda, maalinta lagu tilmaamay iney tahay mid barakeysan.

Tirada no.9 dhaqanka Shiinaha waxey la xiriirtaa maalin barakeysan, waxey aaminsan yihiin iney la xiriirto cimridhere, waa sida uu sheegay website-ka “news 24”

Xafladdan guur wadareedka ah waxaa lagu qabtay kaniisadda Thiyan oo ka mid ah kaniisadaha ugu quruxda badan ee ku yaalla caasimadda Malaysia ee Kulalambuur.

Mid ka mid ah lamaanahan is-guursaday oo la yiraahdo Li Siyong Li (29) jir ah, ayaa sheegay in tirada 9 uu si gaar ah qalbigiisa qiimo uga leeyahay, Li isagoo qoob ka ciyaar sameynaya ayaa waxa uu yiri: “Waxaan doonayaa in jacaylkeygu uu weligii sii jiro iyo inaan qoys yegleelno.”

Lamaanayaashan ayaa sawirro ku galay goobtii ay xafladdu ka dhaceysay, isla markaana wada ciyaarayay iyadoo farxaddu wejiyadooda ka muuqato.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close