Wararka

Maxey Sameynaysaa Gabadhu Marka Ay Wiil Jeclaato?!(Muuqaal)


Jacaylka noocyadiisa kala duwan, waxa uu ka mid yahay dareennada ugu sarreeya ee qof  aadane ah uu qaado,   jacaylka sharcigu ma diidadan, diimaha oo dhanni waxey qabaan in kalgaceyl iyo jacayl lagula dhaqmo dadka.

Dadka qaar waxey aaminsan yihiiin in jacaylka ay gabari wax jeclaato uu ka mid yahay waxyaabaha xaaraan ah ee mamnuuca ka ah bulshada!siday ku dhici kartaa? Gabadhu waa aadane dareen ayey leedahay, laakiin waxaan xukumeynaa waa wadada ay jacaylkeeda u sheegato oo loo baahan yahay si akhlaaq iyo usluub wanaagsan uu ka muuqdo.

Haweenayda ku takhasustay la talinta arrimaha qoyska ee la yiraahdo Raymaa Bagaabir,, ayaa waxey talooyinka qaar u soo jeedineysaa gabdhaha jacaylka qaada, ha u qaadaan saaxiibkooda ay jaamacadda wada dhigtaan ama mid dariskooda ah ama mid kale oo la jooga goobteeda shaqada.

Raymaan, waxey hadalkeeda ku bilowday iney gabadhu wax jeclaato shay xaaraan ah maaha, laakiin dhaqankeeda iyo habka ay wax u sheeganeyso ayaa lagu kala xukumayaa inuu yahay mid xalaal ah ama xaaraan ah, sidaa darteed; gabadha waxaa laga rabaa iney dhaqankeeda wanaajiso habka ay dareenkeeda u soo badhigeyso marka ay qof ka heshana ay ka taxadarto, waa inaan dareenkeedu ka tan badin, iyadoo raacaysa tallaabooyinkan soo aaddan.

  1. Qof idin dhex dhexaadiya raadso

Sida ay sameysay hooyadii mu’miniinta Khadiija (Radiyallaahu Canhaa), markii Nabiga ay ka heshay (C.S), waxey u dirtay saaxiibteed Nafiisa Bintu Maniyah si ay Nabiga ugu soo bandhigto arrinka guurka, si ay sharafteeda u ilaaliso, sidaas oo kale; waxaa suurtaggal ah iney gabadhu adeegsato qof saddexaad sida; aabaheed, walaalkeed, saaxiibteed, waxeyn ku xiran tahay kolba qofka ay dooneyso nooca uu yahay; marka uu ku dhex jiro qoyskeeda, ama ay shaqa wadaag yihiin, ama saaxiibkeeda waxbarashada uu yahay oo habab kala duwan la doonayo iney u marto, dabcan, qofkaas waxaa laga rabaa inuu raaco habdhaqanka wanagsan iyo sarbeeb inuu isticmaalo bedelkii uu waxwalba caddeyn lahaa, si uu gabadha sharafteeda iyo karaamadeeda u dhowro.

  • Adadeygu waa sancad ay raggu jecel yihiin

Khubarada xiriirku waxey leeyihiin, dabeecadda ninka ayaa ka dhigta inaanuu jecleyn waxwalba oo sahlan, marwalba waxa ay aragtidooda ku hayaa arrimaha ay adag tahay in si sahlan lagu gaaro, arrintaas oo dareenkiisa kor u qaadda, si uu arrinkaa mar un ku gaaro waxwalba ayuu u huraa, sidaa darteed; gabadha waxaa waajib ku ah inaaney marnaba ku bilaabin wiilka oo aaney bilowga hore u sheegan jacaylkeeda.

  • Ka jeeso

Gabadhu marka ay wiil jeclaato waxey ku fakartaa iney guursato, hadaba, markii mowduucan loosoo bandhigo wiilka oo qofkii dhex dhexaadiyaha ahaa uu soo hadal qaado guur, oo la arko inaan fikaraddu u cuntamin ama lagu arki waayo calaamado muujinaya inuu gabadhaa wax daneyn ah u hayo, gabadha waxaa laga rabaa iney arrinkiisa ka jeesato oo aaney is raacraacin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close