Wararka

Daraasad Cusub.. Jirka Aadanaha oo Aan Dhaqaaqa Joojin Muddo Dheer Kadib Geerida Qofka


Koox khubaro Australian ah oo sameeyay daraasad cusub, ayaa xaqiijiyay in jirka aadanahuhu aanuu dhaqdhqaaqa joojin muddo ka badan sanad marka uu qofku dhinto kadib!.

Khubaradan oo ka tirsan xafiiska Australia ee cilmibaarista Cilmiga dagal-baarka(AFTER), ayaa ogaaday in maydka uu si muuqata oo la arki karo u dhaqdhaqaaqo marka uu milmayo oo ay ciiddu cuneyso.

Xafiiskan ayaa waxa uu inta badan cilmibaarisyo kala duwan ka sameeyaa dagal-baarka taariikhdii hore ee aadanaha sidaa darteed; waxey leeyihiin beer loogu magac daray “Beerta jirka aaddanaha”, waxey haystaan dhul hal-kiiloomitir ah oo daafihiisa kala duwan dhinac walba, laga helayo mayd ku aasan, waa meel loogu taloglay in lagu sameeyo cilmibaaris dhaqaaqa jirka aadanaha uu sameeyo dhimashadiisa kadib.

Khubaradan ayaa waxey kaamiro sawir ah oo wadata qalabka (time-lapse) dhigeen qabriyada qaar, si ay daraasad ugu sameeyaan maydku sida uu u mulmo, iyagoo maalintii 30 daqiiqo  ah isha ku hayay muddo 17-bilood, taas oo daahrogtay in gacamaha maydku ay dhaqdhaqaaqayeen si muuqata oo aan marnaba laga shakineyn.

Alison Welson, oo ahayd cilmibaare ka qeybgashay mashruucan oo la hadashay shabakadda ABC news ayaa sheegtay in natiijada ay gaareen ay daahrogeyso in aadanuhu marka ay dhintaan uu jirkoodu xasillooneyn oo uu dhaqdhaqaaq xooggan sameeyo.

Iyadoo ay dhici karto inaad iska dhaadhiciso in dhaqaaqa maydku uu yahay mid qarsoon oo aaney ishu qabaneyn, ayaa hadana khubaradani ay sheegayaan inaan xaalku sidaa ahayn, Dr. Santhi Malit, oo hoggaaminayay daraasaddan ayaa yiri: “Waxaan aaminsanahay in dadka ay lama filaan ku noqoneyso heerka uu dhaqdhaqaaqani gaarsiisan yahay, maxaa yeelay; aniguba aad ayaan ula yaabay markii igu horreysay ee aan arko, gaar ahaan sida ay gacmuhu u dhaqdhaqaaqayeen, arrintu mid cajiib ah ayey ahayd.”

Khubaradan ayaa aaminsan in dhaqaaqa uu ka dhalanayo neef isku biirsatay jirka xilli hore isla markaana ku sii jiraysa marxalad dhaxe xilliga milanka jirka, arrintaas oo la macno ah in la socodka dhaqaaqa maydka ay suurtaggal tahay in lagu xadido waqtiga dhimashadiisa, oo qofka marka uu dhaqaaqa gabo un loo aqoonsado inuu yahay mayd.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close