Wararka

Daraasad Cusub oo Daahrogtay Faa’iidooyinka Caafimaad ee Shaaha Laga Helo oo Aadan Horey u Maqlin


Wax badan waxaan maqalnaa dhibaatada ay leedahay in shaah la cabbo iyo natiijada aan wanaagsaneyn ee ka dhalaneysa, laakiin waxaan kuu soo gudbineynaa cudur-daar wanaagsan oo kugu dhiirrigelinaya inaad koob shaaha ku dhufato oo aad cabto maalintii.

Waxaa dhici karta in waxyaabaha aan soo wadno ee daraasaddan ka hadashay ay maangal kula noqon kari waayaan, laakiin daraasad caafimaad oo dhawaan la sameeyay ayaa sheegaysa in si nidaamsan shaaha loo cabbo oo la joogteeyo ay saameyn ku yeelato caafimaadka caqligaaga oo uu joojinayo isku dhex yaaca la xiriira asaasaqa iyo gabowga.

Daraasad caafimaad oo cusub-oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah- ayaa sheegtay in shaaha oo si nidaamsan loo cabbo uu wanaajiyo shabakadaha dareemayaasha maskaxda, waxa uuna ka qeybqaataa dhismaha maskaxda, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

13 qof oo qaangaar ah da’dooduna ka weyn tahay  60-sano, ayaa la marsiiyay baaritaanno kala duwan oo ku saabsan dhanka garaadkooda, cilmibaarayaasha daraasaddan sameeyay waxaa hoggaaminyay koox khubaro ah oo ka tirsan jaamacadda National University of Singapore, dadkan ayaa scans la saaray si loo hubiyo xaaladda caafimaad ee maskaxdooda.

Dadkan ayaa su’aalihii la weydiinayay waxaa ka mid ahaa, tirada inta jeer ee ay maalintii shaaha cagaaran ama midka madow ay cabbaan iyo sidaas oo kale qahwada.

Natiijada daraasddan ayaa laga ogaaday dadka isbuucii ugu yaraan 4-koob oo shaah ah cabba muddo 25 sano ah ay lahaayeen caqi ka isku xir wanaagsan kan caafimaad badan asaaggooda cabba wax ka yar 4 koob oo shaah ah Isbuucii.

Dr Feng Lei, oo daraasddan kaalin ku lahaa ayaa yiri: “Natiijooyinka aan gaarney waxey na siinayaan caddeyntii ugu horreysay oo ka qeybqaadaneysa faa’iidooyinka shaahu u leeyahay dhismaha maskaxda.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Inaad shaaha si nidaamsan u cabto waxey saameyn ka hortag ah ku yeelataa isku dhex yaaca maskaxda ee cimiriga la xiriira ee dhismaha maskaxda waxyelleeya sida; cuduradda (Dementia and Alzheimer ‘s.).”

Daraasaddan oo lagu faafiyay joornaalka cilmiga duqnimda looga hadlo, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybqaatay khubaro ka tirsan jaamacadaha Cambridge iyo Essex.

Cilmibaaristan ayaa ahayd tii ugu horreysay ee ka hadasha saameynta uu shaahu ku leeyahay shabakadaha Maskaxda.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close