Wararka

Afkaar “Romantic” ah oo Qurxineysa Nolosha Qoyska Jacaylkana Adkeynaysa (Muuqaal)


Nolosha qoyska xilliyada qaar waxey martaa waqtiyo fadhiid ah oo dareenka jacaylka iyo xiisuhu ay yara daciifaan, xilligan aan ku jirno ee casirga Internetka iyo Baraha-bulshada, ayaa lamaane badan ay waqtiga ugu badan ku qaataan si ay ula socdaan baraha bulshada marka ay guriga joogaan, markaa waxaa bilaabma dhibaatooyin iyo khilaafaad dusha sare u soo baxaya marka xaaladaa fadhiidnimada ah ay sii socoto.

Maadama nolosha lamaanaha ay u baahan tahay dadaal labo dhinac ah si nolosha guurku u sii socoto oo ay u xasisho, ayaa haweenayda cilmiga Saykolojiga iyo arrimaha qoyska ku takhasasustay ee la yiraahdo Ashwaaq al-Waafi, ay soo jeedineysa talooyin romantic ah oo lamaanaha nolshoodooda u cusbooneysiin karta, boorkana ka jafaya jacaylka iyo kalgaceylka fadhiidka noqda.

  1. Iney filim ama musalsal wada daawadaan

Lamaanaha waxaa u suurtaggal ah iney filim ama musalsal wada daawadaan, si maalinle ah, haddii ay mashquul badan yihiin, waxey ka dhigan karaan isbuucii maalin, si ay ugu caweystaan filmi ajinabi ah oo xiiso badan ama mid  taariikheed oo wanaagsan, xilligaas waxey dareemi doonaan iney wax wadaageen xitaa haddii aan filmikaa wax daneyn ah loo hayn oo aanuu xiiso sidaas ah lahayn.

  • Iney isboortiska wadajir u ciyaaraan

Waxey si wadajir ah u ciyaari karaan sportska noocyadiisa kala duwan, sida iney wada socdaan muddo saacad iyo bar ah, ama hiwaayad kale oo ay si wadajir ah u xiiseeyaan ay qabtaan, markaa waxey wada qaadanayaan waqti lama illoowaan ah, waxaa dhici karta iney  xirtaan kabo isku nooc ah, arrintaas waxey ku dareemi doonaan farxad dheeraad ah.

  • In rootiinka guriga la jabiyo, intii cashada lagu cuni lahaa goobta caadi ahaan loogu talogalay, waxey ku cuni karaan sariirta dusheeda iyadoo shumacyo ay ka ag shidan yihiin, mar kasta isku day inaad jawiga bedesho oo aad wax u sameeyo sida uu lamaanahaagu ka helo ee uu ku farxayo.
  • Lamaanaha waxaa laga rabaa iney lama filaan oo ay ku faraxaan ay isku sameeyaan; sida; iney aadaan safar meel qurux badan, ama iney hotel qol ka qabsataan ama aad wada aaddaan meel gaar ah oo ay ku wada dabbaalan karaan.
  • Ka wada qeybgala koorsooyin gaar ah, sida, kuwa lamaanaha lagu wacyigeliyo ee noloshada lamaanaha lagaga hadlo.
  • Tijaabi waddooyinkii qadiimiga ahaa ee jacaylka, sida; inaad isku soo qortaan farriimo jacayl oo gacan qoraal ah, iyadoo ay jirto in teknoloojiyadii ay horumartay ayaa hadana ay gacan qoraalka aanuu weli lumin dhadhankiisa, ninku waxa uu qori karaa waxyaabaha ugu wanaagsan ee uu lamaantiisa ku jecel yahay, haddii aad warqaddaa si wanaagsan u qorto waxaa hubaal ah inaad dhaqaajin doonto dareenka jacayl ee fadhiidka noqday ee lamaanahaaga.
  • Banaanka u wada baxa oo maalintiinan si wanaagsan u wada qaata, maxaa yeelay; arrintaasi way isku kiin soo dhaweynaysaa.
  • Waxaa qurux badan inaan caruurrnimadiinnii soo xasuusataan idinkoo sameynaya habdhaqanka caruurta oo kale, sida; inaad isku raacdaan tuuliyinka caruurta lagu ciyaarsiiyo, oo aad wiifow wada raacdaan, waa fikrad romantic ah oo aad u soo jiidan karta dad badan.
  • Tijaabiya inaad kushiinka wada gashaan oo aad ku tartantaan cunto karin, si raashin cusub aad u tijaabisaan ama cidda raashin macaan aad ku tartantaan.
  • Waxaad ka wada sheekeysan kartaan mowduuc cusub oo ka fog kuwii aad horey uga wadahadli jirteen oo xiiso iyo xamaasad badan.
  • Lamaanahaaga lama filaan uga dhig dhaqamada qaar, sida inaad ubax u hadiyeyso si lama filaan ah, shardi maaha in munaasabad goonni ah ay jirto, xilligaas u sheeg jacaylka aad u hayso inta uu gaarsiisan yahay.
  • Afduubo lamaanahaaga, halkan waxaa suurtaggal ah in markii in muddo ah la joogaba inaad lamaanahaaga shaqadiisa aad ka afduubato, u ka kaxeyso  safar gaaban, tusaale ahaan; inaad goob xasilloon geyso si aad shaah u wada cabtaan, oo aad si wadajir ah u daawataan marka ay qorraxdu sii dhaceyso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close