Uncategorized

Khalad Aan Ku Talogal Ahayn.. Naas-nuug Yar oo Hooyadeed u Dishay si Argagax Badan (Muuqaal)


Hooyo dhalinyaro ah ayaa geeriyootay maalintii ay ku beegneyd dhalashadadeedii 21aad, kadib markii gabadh yar oo ay dhashay ay ku dallacaday muraayadda gaari ay qoorta ka dhiibatay si aan ku talagal ahayn.

Hooyadan oo la yiraahdo Yoliya Sharko, ayaa isku dayaysay, iyadoo gaariga dibadda ka joogta, iney gabadheeda yar gudaha gaariga, weliba dhanka dariishadda ay kala baxdo, laakiin waxaa dhacay waxaan ciribtooda la mahdin, gabadhan yar ayaa dariishadda ku dallacaday, dhaladii dariishada ayaa ku soo kacday qoorta hooydan oo qabsatay kadibna neefta ku xirtay, hooyadani waxey weyday cid badbaadisa oo xaaladda adag uga soo gurmata illaa markii ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

Ila wareeydo warbaahinta maxalliga ah ee gudaha Ruushka ay halayaan ayaa ku warramaya in gabadhan ninkeeda, Artor, uu arkay xaaskiisa oo gaariga ku xaniban oo aan miyir lahayn, waxa uu jabiyay dhaladii gaariga, qorta ayuuna uga soo saaray oo dhaladu ka haysatay.

Yuuliya, waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla tuulada Isaarwi-Sayloo ee dalka Ruuska, 8 maalmood kadib ayaa hooyadan yari ay geeriyootay, neefqbantikii dhalada ayaa waxa uu dilay unugyadii maskaxda.

Dambi baarayaashii dhacdadan baaray ayaa sheegay in ninka qabay Yuliya uu arkay xaaskiisa oo miyir-daboolan,  qoortana ay ka haysato dhalada dariishada gaariga qoyska oo ahaa nooca “BMW”.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close