UncategorizedWararka

Sheekada Ey 17 Baalooto oo Xabbad ah Ay Ku Dhacday Hadana Weli Aaminsan Aadanaha Si Lama Filaan Ahna u Caawiya!(Muuqaal)


Iyadoo ay jirto in dambiyo farabadan ay aadanuhu ka galeen eygan, ayaa hadana kalsoonidii uu ku qabay aaney weli daciifin, hadda waxa uu garab istaagtaa dad badan oo dhibaatooyin nololeed waajaha.

Eygan oo la yiraahdo Migi oo 5 sano jir ah, ayaa waxa uu la kulmay dhacdooyin badan oo aad u xanuun badan, waxaa lagu dhammeeyay 17 baalooto oo baaskoolad lagaga beegsaday, arrintaas oo keentay iney eygani uu miyir daboolmo oo si khatar badan uu u dhaawacmo.

Eygan ayaa meel laga helay isagoo sanduuq ku xiran dhagna laga jaray, halka afka qeybta hoose uu ka jabnaa.

Qofkii helay ayaa baraha bulshada ku faafiyay sawirkiisa si loo caawiyo, gabar yar oo London daggan ayaa u gurmatay, iyadoo tabarucaaddii u soo  marisay sandquuqa badbaadada xayawaanka, kadib eygii waa la badbaadiyay, waxaa lagu sameeyay qalliino kala duwan, qoys cusub ayaana la wareegay iney xanaaneeyaan, laakiin dhakhaatiirtu waxey badbadin kari waayeen aragiisa.

Meegi waxey noqotay xaywaan caan ah oo laga yaqaanno gudaha Ingiriiska, qoyskii cusbaa ee la wareegay ayaa barta Instagramka xisaab uga furay, hadda waxaa wararkeeda la socda oo saaxiib kula ah  bartaas 250-kun oo qof.

Haweenaydii xanaanada eyga la wareegtay ayaa waxey ka tagtay shaqadeedii rasmiga aheyd si ay eygan Meegi u daryeesho.

Haweenayda eygan korsaneysa oo la yiraahdo Kiisii Kaarliin ayaa tiri: “Waxey na xasuusisaa waxyaabo muhiim ah ee aan dhammaan soo barannay ciyaalnimadeennii, in dadka lagula dhaqmo sida aad dooneyso in laguula dhaqmo, buugga garbadkiisa un ha ku xukumin ee qoraalka gudaha fiiri, noloshaada si xorriyad leh u noolow, waxwalba waad kartaa, waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaad naftaada aaminto.”, waa erayada eygan tabeellaha loogu qoro si markii ay dadku arkaan ugu baraarugaan qiimaha ay noloshu leedahay.

Waxaa xusid mudan, eygan Meegi ay waqtiyadii dambe looga yeero isbitaallada, goobaha  waayeelka lagu xanaaneeyo iyo jaamacadaha, si ay dadka u taageerto oo qalbigooda ugu beerto farxad iyo nabadqab, dadku marka ay arkaan dhibaatada soo gaartay iyo sida ay u nooshahay ayey nolosha ku dhiirradaan dhib walbana oo haysatana ay iska illoobaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close