Warbixinno

1.5 Milayan oo Qof oo Barta Instagram-ka Kala Socda Wararka “Xiddig Dhulka” Ugu Faraxadda Badan Dunida (Muuuqaal)

Xiddig Dhulka ugu farxadda badan adduunka, waa sifada u qalanta ee lagu tilmaami karo Kuuleyda-Cali-Banjar sawiradeeda laga hadal hayo baraha bulshada, taageerayaasha iyo dadka wararkeeda la socda waxey la socdaan safarkeeda cajiib ah ee daafaha kala duwan ee dunida.

Herebi(waa magaca Kuuleydan loo yaqaanno), oo xarunteedu tahay dalka Jarmalka ayaa waxa ay xiddig ka tahay baraha-bulshada, inta badan sawirradeeda waa kuwo ay dhoollacaddeynayso, waxaana sawirada faafiya haweenayda iska leh oo barta Instagramka soo dhigta, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Xiddig Dhulka ama kuuley-cali-banjarka Ugu faraaxadda badan, hadda waxa ay barta Instagramka saaxiib kula ah  oo wararkeeda la socda 1.5 milayn oo qof, waxaa dhaqata haweenay la yiraahdo Talitha Girnus oo ka soo jeedda deegaanka Fisbaadin, taas oo sawirka Herbi soo dhigta barta.

Haweenayda iska leh oo la yiraahdo Taliitaa ayaa farriin ay barteeda soo dhigtay sheegtay: “Dadka daafaha kala duwan ee dunida ku dhaqan waxey la socdaan safaradeenna gaarka ah, waxey jecel yihiin farriinteenna: waxaan soo kulminaa oo aan meel iskugu soo uruurinnaa waxyaabaha khatarta ah ee dunidan ka dhaca, shalay waxaa nala joogtay Pokee maanata waa Herbee, si ay inoo siiyaan sabab aan ku dhoollacaddey karno oo aan dareenkeenna wanaaagsan ku ilaashan karno.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close