Uncategorized

8 Arrimood oo Ay Raggu Dumarka Kaga Fogaadaan oo Ay Tahay In Laga Feejignaado (Muuqaal)


Dumarka qaar waxey aaminsan yihiin in quruxdu ay tahay shayga kaliya ee ay ragga ku soo jiidan karaan, arrintaas oo ka dhigta iney xoogga saaran muuqaalkooda sare iyo waxwalba oo ku saabsan arrimaha quruxda dibadda, iyagoo aan dan ka gelin waxyaabaha kale ee muhiimka ah ee ka qiimaha badan kan muhiimsan oo ay raggu jecel yihii iney ku arkaan gabadha ay doonayaan iney xiriir jacayl la yeeshaan oo lamaantooda nolosha ay noqoto.

Ka fogow sideedan Astaamood oo nin kastaa uu kaaga fogaanayo:

1- Iska dhigga waxaadan ahayn

Haweenayda is kallifaadda badan waa haweenay ragga aad uga fog, raggu ma jecla dumarka ku dadaaala iney muujiyaan waxaan ka tarjumeyn akhlaaqdooda dhabta ah, waxey jecel yihiin gabadha dhaqankeeda iyo dabeecadeedu ay isleeyiiin ee aan kallifaadda aqoon ee waxeyna ahayna aan iska dhigdhigin, maadam arrintaasi ay ka tarjumeyso wanagga iyo qiimaheeda.

2- Gabadha Kadsoon

Raggu uma soo  dhawaadaan oo wey ka fogaadaan gabadha kadsoon ee kibirka badan, si kasta oo ay ku qurux badan tahay, maxaa yeelay; inuu qofku isla weyn yahay oo uu ku kasoon yahay waxa uu haysto ee hantida iyo quruxda uu leeyahay waxey ka lumisaa quruxdii dabiiciga ahayd, waxeyna ka fogeysa ragga oo aan u soo dhawaan.

3- Gabadha salidka ah ee dhibka badan

Gabadha salidka ah waa mid magacyo badan, dadka ku jeesjeesta, dadka ceebahooda raadisa, raggu ma jecla, waa sifo aad u xun oo gabadha ka dhigta iney kalinimo ku noolaato noloshana aaney ku farxin.

4- Masayka xooggan

Ragga oo dhani wey ka helaan oo wey jecel yahay in lamaantoodu u maseyrto, maxaa yeelay; waa halbeeg ka mid ah halbeegyada jacaylka, laakiin marka uu xad ka bax noqodo wuu ku nacaa, wuuxana bilaabaa inuu ka dido, waana masayrka waalida ah ee shakiga iyo tuhunka wata.

5- Beenta

Haddii ay gabadhu dooneyso iney noqoto wadnaha iyo caqliga lamaanaheeda, waxaa laga rabaa inaaney been u sheegin, maxaa yeelay; kalsoonida haddii ay dhimato mar kale si ay kusoo kabataa wey adag tahay.

6- Jalaqsanaan La’aan

Haweenayda waxaa laga rabaa iney jalaqsanaan leedahay oo dumarnimadeeda uu lamaanaheedu dareemi karo, arrintaas saameyn weyn ku leh xiriirka uu ninku lamaantiisa la leeyahay, waa inaney gabdhu marnaba ka tanaasulin dumarnimadeeda waxwalba oo dhaca.

7- Madax adeygga

Ninna uma dulqaadan karo madax adeyga lamaantiisa, raggu ma jecla iney xiriir la yeeshaan gabadha madaxa adag maadama aanuu agteeda xasillooni ku dareemeyn,  maadama ay rag badani aaminsan yihiin in madax adagygu uu burburiyo waxwalba oo yoolkooda si wanaagsan ay ugu gaari karaan.

8- Mas’uuliyad darrada

Waxaa adag in ay raggu aqbalaan mas’uuliyad darrada lamaantooda, haweenayda la qabsata mas’uuliyad darrada ee waxwalba dayacda habeen iyo maalin iskuma bedeli karto, sidaa darteed; raggu wey ka baqaan gabadha noocaas ah, waxeyna jecel yihiin iney ka dheeraadaan. 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close