UncategorizedWararka

“Gabadha Sheydaanka” oo Labadeed Waalid Argagax Ku Abuurtay (Muuqaal)


Hooyo iyo aabbo is-qaba ayaa lama filaan ay ku noqotay sawir raajado oo laga qaaday ilmo yar ee uurka ku jirta oo wada sugaya inuu dhasho iyagoo markaa doonayay in xaaladda caafimaad ee ilmahan yar ay la socdaan.

Sawirka ay arkeen oo ay hooyadu ku tilmaantay “ilmo sheydaan”, ayaa waxa uu aad ugu faaftay internetka oo baraha-bulshada aad looga hadal-hayaa, sawirkan ayaa guux badan ka dhaliyay daafaha kala duwan ee dunida, iyadoo ay jirto in labada waalid ee ilmahan yar ay ka welwelsan yihiin xaaladdiisa.

Hooyadan da’da yar ee (17 jirka ah), ayaa barteeda bulshada ee Facebook ku faafisay, labo sawir oo ilmahan yar laga qaaday, waxeyn kusoo hoos qortay: “caruurta oo dhan kaamirada wey iska qariyaan. daawada gabadheyda yar ee Shaydaanka ah!”

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxey u muuqataa ilmo caadi ah, laakiin markii aan ogaannay iney gabar tahay, oo caloosheyda qalabkii mar labaad la saaray, ayey indhaha kala furtay weyna noo dhoollacaddeysay. gabadhaan yar ee Sheydaanka ah aad ayaan u jeclahay.”

Qoraalkii ay Aliston ku faafisay barteeda Facebook waxaa la dhacday oo like u saaray 15-kun oo qof laga soo bilaabo xilligii ay farriinta soo dhigtay oo ku beegneyd August 27, halka la share gareeyay ku dhawaad 16-kun oo jeer.

Hooyadaan da’da yar ayaa tilmaantay in dhakhtaraddii baaraysay ee la joogtii xilligii sawirka raajada ay u sheegtay in gabadheedu ay tahay mid dabiici ah oo xaalad caafimaad oo wanaagsan ku dhalan doonta, laakiin waxey la yaabaneyd sida gabadhan yar ay sawirka uga soo muuqatay, sidii iney og tahay in sawir laga qaadayo oo kale.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close