Wararka

Maxaa Lagaa Rabaa Inaad Sameyso Markaad Si Lama Filaan Ah oo Kadis ah aad Kula Kulanto Madaxkuti (Muuqaal)


Jawaabtu waxey ku xiran tahay dhowr arrimood, nooca madaxkutida aad la kulantay iyo xaaladda aad ku sugan tahay.

Badanaa dadka daggan Mareykanka iyo Kanada wey yaqannaan madaxkutida madow iyo tan gariijadaha ama bunniga ah, madaxkutida gariijadaha ah ayaa ugu khatar badan, madaxkutidu waxey dadka soo weerartaa marka ay khatar dareento, madaxkutida waxaa aad loo arkaa dhex bartamaha xagaaga illaa dayrta laga gaaro.

Caado ahaan waxey dadku arkaan madaxkutida oo ku ciyaareysa sanduuqa qashinka oo ay raashin ka raadsato.

Khabiirka dhanka arrimaha Madaxkutida ku takhasusay oo la yiraahdo Joon-Hekteel, ayaa ku talinaya in sanadiiqda qashinka si aad ah afka looga qufulo, haddii aad madaxkuti aragto meel aad kaga nabadgeli karto u jirso, haddii aad ku nooshahay deegaan ay u badan yihiin, guriga aad ka soo baxdo ishana aan ku qabato isagoo beerta ku dhex jira, dib u noqo adigoon wax shanqar ah sameynayn, waana wadada ugu wanaagsan ee aad sameyn karto si aad uga nabadgasho.

Haddii dadka dalxiisayaasha ah ay arkaan madaxkuti deegaankiisii jooga, waxaa waajib ku ah iney is-dejiyaa, Wadada ugu wanaagsan ee dalxiisayaasha lagula taliyaa waa iney sii qaataan sunta madaxkutida la iskaga difaaco, maxaa yeelay; waxaad ku helaysaa kalsooni si aad isku taagto lugahaaga adigoo xasilloon oo aan wax argagax ah kugu jirin.

Marka ay dadku baqaan ee argagaxu uu ku dhaco oo ay cararaan, khatar ayey lugta la galaan,,, haddii madaxkuti madow uu kusoo weeraro, is difaac awood kasta oo aad leedahay kula daggaalan oo iskaga dhici, waa sida ay ku talinayso wakaaladda beeraha dalxiiska wadaniga ah ee dalka Mareykanka.

Haddii madax kuti giriija ah ama midabka bunni ah leh uu ku soo weeraro, isku day inaad mayd iska dhigto, madaxkutida gariijaha ah iyo tan madow waxey u kala dhaxeyn karaan midabadda bunni furan ama tiq ah iyo mid madow.

Khubaradu waxey ku talinayaan inaan la feejignaado marka laga sii baxayo deegaannada ay ku badan yihiin madaxkutidu.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close