Wararka

Fashilka Tijaabadii India Ay Ku Gari Lahayd “Dayaxa” Kama Dhigna Inuu Joogsaday Loolankii Asia ee Hawada Sare


India ayaa weyda xiriirka Dayax-gacmeedkeedii “Vikram” ee u socday howlgalka Chandrayaan -2 oo mid lagu dooneyay in lagu gaaro cirifka koonfureed ee Dayaxa, arrintaas oo ka dhigan in muhiimadii lagu fashilmay oo dayax gacmeedkaasi uu gebi ahaanba burburay, laakiin arrintani ma wiiqayso loolankii Aisa ka jira ee lagu tartamayay hawada sare.

Sida uu sheegay website “Space” ee dalka Mareykanka ka soo baxa, iyadoo ay jirto in dad badani ay ka digayaan loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ay ugu jiraan hawada sare, ayaa hadana tartanka dhabta ah waxa uu ka jiraa qaaradda Aisa, sanadkan oo kaliya ;ayaa Shiinuhu ay dayaxa gaareen, halka India ay isku dayday iney gaarto, howlaha noocan oo kale ah waa kuwo dowlad kastaa ay ku dooneyso iney ku sameysato sumacad kuna muujiso cududeeda kaalinteeda ay dunida ku leedahay ay ku muujiso.

Tijaabada India ka fashilantay waxey muujineysaa hamiga ku jira dowladaha Aisa ee loolanka hawada sare loogu jiro ee ay dowlad kastaa dooneyso iney booskeeda ku ciriirsato, Barnaamijka hawada sare ee India asal ahaan waxa uu soo bilowday kontameeyadii qarnigii hore, iyadoo ay jirto in waaxda cilmibaarista culuumta hawada sare aan la sameyn ilaa laga gaaro 1969.

Ururka cilmibaarista culuumta hawada sare ee India xilli sii horreysay ayey bilaabeen iney dayax gacmeedyo sameeyaan, halka ay horumarin ku sameeyay gantaallada hawada sare ee dayax gacmeedyada sii qaada, India waxey horumarin ku sameeyay Gantaallo awood badan oo ay ka mid yihiin  kuwa dayax gacmeedka sii xambaara ee noocan Polar Satellite waxeyna hawada sare u direen Geosynchronous Satellite Launching.

India waxey adeegsadeen khibradooda si ay u xoojiyaan gacansiga setellite-ka hawada sare, waxey hawada sare u direen Setellite-ka Polar Satellite oo shirkadaha gacansiga ee isgaarista ay isticmaalaan, arrintaas oo keentay in dakhli badan uu soo galo ururka cilmibaarista hawada sare ee India.

India waxey horey hawada sare u dirtay dayaxa ugu direen dayax gacmeedka Chandrayaan -1 oo ka qeybqaatay in dayaxa dushiisa laga helo biyo 2008.

Sanadkii 2014, waxey India xoogga saartay iney beegsadaan meeraha Mars, iyadoo tallaabdaa ay uga horreeyeen Mareykanka, Ruushka iyo wakaaladda Hawada sare ee Yurub.

Yoolka kama dambeysta ah ee Chandrayaan -2 ee hadda waxa uu ahaa in warbixin laga keento cirifka koonfureed ee dayaxa si daahrogyo badan looga sameeyo biyaha laga heli karo, halka sidoo kale India ay u qorsheysan tahay iney cirbixiyeenno u dirto hawada sare marka la gaaro 2022.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close