Wararka

Afar Lugood iyo Saddex Gacmood… Hooyo Dhashay Gabar Yar oo Lagu Tilmaamay Mid Mucjiso ah (Muuqaal)


Waxaa jira xaalado naadir ah marka mataanaha qaar ay ku fashilmaan iney si dabiici ah u koraan, markaa xubnahoodu wey is ku milmaan ama waxaaba dhasha mataane isku dhaggan.

Haweenay dalka India ka soo jeedda oo 24 jir ah oo ku nool gobolka Raajistan ayaa dhashay mataane, Jimcihii hore, wiilku waxa uu ku dhashay caafimaad dhammeystiran, halka gabadhii mataanta la ahayd ay ku dhalatay lugo iyo gacmo dheeraad ah oo ka soo baxay caloosheeda iyo dhinacyo kala duwan oo jirkeeda ka mid ah, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail. xaaladda naadirka ah ayaa lama filaan ku noqotay hooyada iyo aabahan, kuwaas oo aaney u suurtagalin in xilligii uurka ay ku jireen xaaladooda caafimaad la hubiyo.

Iyadoo ay jirto in gabadhan yari ay leedahay Afar lugood iyo saddex gacmood ayaa hadan xaaladeeda caafimaad ay xasilloon tahay, xoogaa yar oo dhibaata ah oo dhanka neefsashada ah ayuunbaa haysata. sida qorshuhu yahay gabadhan yar ayaa la dhigi doonaa isbitaal ku yaalla Gaybuur si qalliinka halkaa loogu sameeyo oo looga jaro xubnaha dheeraadka ah ee jirka ku yaalla.

Sida ay dhakhaatiirtu sheegayeen, hooyadan ayaa saddex mataana ah uurka ku sidday, laakiin ilmihii saddexaad uma aaney suurtagelin inuu si dhammeystiran u sameysmo, markaas ayuu gabadha la midoobay xilliyadii hore ee korriinkooda ee uurka hooyada.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close