Wararka

Dhibaatooyinka Halaga Wadahadlo.. Daraasad Cusub oo Lagu Ogaaday: In Muranku uu Yahay Furaha Sareedada Guurka (Muuqaal)


Lamaanayaal badan waxey ka cowdaan muran badan oo dhanka noloshooda ah oo dhanka guri ka hasta, kaas oo salka ku haya arrimo nololeed oo noqon kara kuwo la isku khilaafsan yahay tabiyeynta caruurta, arrimo maaliyadeed iyo arrimo kale, arrintaas oo ciriiri badan ay ka dareemaan, laakiin daraasaddan cusub waxey xaqiijineysaa in muranku uu noqon karo mid horseeda farxadda iyo sareedada guurka.

Khubarada cilmiga bulshada ku takhasustay ayaa carrabka ku adkeynaya in waxa ugu muhiimsan ee xiiirka wanaagsan uu yahay mowqifka uu dhinac walbaa istaago marka uu khilaaf jiro.

Professor Ama Rowr oo ka tirsan jaamacadda Taynisi ee ku taalla gudah Nokisfiil, isla markaana daraasaddan qabanqaabisay, ayaa caddeysay in daraasadani ay ka qeybgaleen 121 lamaane isla markaan lagu faafiyay shabakadda wararka ee Rasian To Day: “Lamaanayaasha faraxsan waxey raaceen waddo ku jihaynaysa iney khilaafka xalliyaan, iyadoo arrintu ku xiran tahay mawaadiicda ay xushaan iney ka doodaan.”

Cilmibaarayashii waxey si gaar ah u eegeen labo kooxood oo ay u qeybiyeen lamaanayaasha, kooxdii koowaad oo ka koobneyd 57 lamaane oo ku jira da’aadda soddomeeyada oo is-qabay muddo 9-sano ah dhexdhexaad ahaan, iyo koox kale oo ka kooban 64 lamaane oo ku jira da’aadda todobaatamaadka oo celcelis ahaan is qabay 42 sano .

Markii la weydiiyay waxyaabaha ay inta badan isku khilaafaan, ayaa lamaanayaashan labada kooxood ay ku jawaabeen, xiriirta sariirta, damaashaadka dalxiiska iyo arrimo la xiriira dhanka maaliyadda, waxey ku dareen caafimaadka lamaanayaasha waayeelka ah, waa arrimaha lagu murmo oo muhiimadda ugu weyn u lahaa, halka masayrka, diinta iyo arrimaha qoyska ay ka dhigeen arrimaha iska yaryar oo labada kooxoodba ay ka sinnaayeen.

Hadaba, daraasaddan ayaa lagu ogaaday in xoogga la saaro arrimaha la xallin karo ee sahlan ay tahay mid lagu gaari karo farxadda iyo sareedada guurka.

Si arrintaa ka soo horjeedda, in laga doodo arrimaha adag ee xalkoodu aanuu sahlaneyd, waxey keentaa in dhibaato ay ku noqoto lamaanaha, arrintaas oo farxadda hoos u dhigaysa ugu dambeynna keenta in lagu kala dhaqaaqo.

Si kastaba, daraasaddan ayaa waxey tilmaantay in  mushaakilka nolosha lagu dhammeeyo wadahadlo iyo is-faham ay faraxad dheeraad ah u horseeddo lamaanaha oo noloshu u macaato, waa marka muranka la dhammeeyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close