UncategorizedWararka

Guur Ayuu Usoo Bandhigay Isagoo Ku Jira Badda Hoosteed .. Laakiin Naftiisa Ayuu Ku Waayay (Muuqaal)


Shabakadda Fox News ee wararka ayaa sheegtay Sabtidii, in wiil dhalinyaro ah oo dalka Mareykanka u dhashay uu ku geeriyooday dalka Tansaaniya, kadib markii uu guur ugu soo bandhigay gabadhii u doonneyd isagoo biyaha ku jira oo badda ku dabbaanaya.

Waxaa geeriyooday Istiifan Weybar, Isbuucan, waa sida ay xaqiijisay dhakhataradda Kiniishaa Antuwan, oo warkan ku faafisay barteeda Facebook, waxey tiri: “Biyaha kama aadan soo bixin si aad jawaabteyda u maqasho, malyan jeer ayaan haa ku leeyahay.. waan ku guursanaya.”

Kinisha yaa waxey faafisay muuqaalka markii uu Istiifan isku dayayay inuu biyaha quuso, waxa uu ugu soo bandhigay oo uu qaatay warqad uu bac ku sii xiray si aaney u qoyin, waxa uu ku qoray: “Ma jeceshahay inaad lamaanteyda noqoto? guurkeyga diyaar ma u tahay.?”

Gabadhan ayaa qoraalkeeda ku soo qaadatay erayo saameyn badan oo dareenka taabanaya:
“Si wadajir ah uguma dabbaaldegi doonno bilowga cusub ee nolosheenna, maxaa yeelay; maalintii aan filayay iney noqoto maalintii ugu quruxda badneyd nolosheyda ayaa isku bedeshay maalintii ugu xumeyd.”

Xukuumadda Tansaaniya iyo Kiniisha toona maa aaney sheegin sababta uu Istiifan u dhintay.

Goobjoog News

Related Articles

Close