Wararka

Dilaagii Ugu Khatarta Badnaa Kuuriya oo La Qabtay Kadib Markii La Raadinayay Muddo 30-sano ah (Muuqaal)

Ugu dambeyn waaxaa suurtagashay in la ogaado dilaa khatar badan oo ku nool Kuuriyada Koonfureed kaas oo dambiyadiisu ay khalkhal ku abuureen dambi- baarayaasha oo muddo 30 sano lagu wareersanaa.

Markii sannooyin badan lagu fashilmay in raadkiisa la helo, ayaa boolisku waxey aaminsan yihiin iney ugu dambeyn gacanta ku dhigeen dambiilihii geystay dilalkii qorsheysnaa ee  Hawaasong ee is xigxigay, booliska ayaa sheegay in ninka la tuhunsan yahay uu yahay nin 50 jir ah oo hadda ku xukuman xabsi loona haysto kufsi ah iyo dil bahalnimo ah oo ka dhacay magaalada Hawaasong ee Kuuriyada Koonfureed, waa sida ay sheegayaan ilo wareedyo ka ag dhow wakaaladda YunHab ee wararka.

Dilaagan ayaa waxa uu geystay dilala taxano ah oo is xigxigay oo ka dhacay Kooriyada Koonfureed gilgilayna Sideetameeyadii iyo bilowgii sagaashamaadkii qarnigii hore (intii u dhaxeysay 1986 iyo 1991), kadib markii uu dilay 10 haween ah ugu yaraan oo da’aadoodu u dhaxeyso 14 ilaa 71 sano, isagoo dumarkaa kufsaday kadibna dilay, faldambiyeedkaa is xigxigay ayaa ka dhacay magaalada Hawasong, ee koonfur galbeed kaga beegan caasimadda Siyool.

Mas’uul la hadlay warbaahinta, ayaa Arbacadii September 18 sheegay, in la gartay eedaysanaha koowaad oo hay’adaha caafimaadku ay ogaadeen qofka uu yahay, waxaa la arkay in DNA laga helay labo qof oo dhibane ah ay la mid noqotay midka dambiilaha hadda gacanta lagu dhigay.

Laakiin nasiibdarrada jir ah ayaa in qoysaski dilalka Hawaasong aaney u suurtagaleyn in faylkii dib loo furo oo eedyasanaha loo xukumo oo faylkaa gabi ahaaba waa la xiray sanadkii 2006 kadib markii lagu guuldarreysay in dambiilaha la qabto, dambiyadaa horena laguma xukumi doono, laakiin eedaysanahay ayaa hadda u xiran oo loo haystaa dambi kuwaa hore la mid ah oo uu hadda xabsiga ugu jiro.

Qadiyadda dambiyada dilalaka Huwasung waxaa laga matalay filim caan ah oo la yiraahdo Xasuustii dilalka oo soo baxay 2003, waana mid ka mid ah aflaamtii ugu guulaha badneyd taariikhda Shaneemada Kuuriyada Koonfureed.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close