Wararka

Isbedel ku Yimid Waqtiga Booqashada Dhismaha Taariikhiga ah ee Taaj Mahal (Muuqaal)


Sida xaalku yahay goobaha ugu badan ee loo dalxiiska tago, Dhimaha taariikhiga ah ee Taaj Maxal  ayaa la doonayaa in uu La Qabsado saameynta ah in la kordhiyo tirada dadka booqan kara goobtan taariikhiga ah oo la doonayo in tirada dadka dalxiiska u yimaadda la kordhigyo.

Mas’uuliyiin u hadlay waaxda dalxiiska ee Aqra oo ah magaalada uu Taaj Maxal ku yaallo dhismaha, ayaa sheegay in albaabada loo furi doono dhismaha habeennada dayaxu uu dhammeystiran yahay, marka laga reebo bisha Ramadaan, waa muddo u dhiganta bishiiba 5 habeen.

Hadda xiilliga dalxiiska loo ogol yahay waa marka ay qorraxdu soo baxdo ilaa ay ka dhaceyso marka laga reebo maalinta Jimcaha ah, waxaana la filayaa in tallaabadan cusubi ay kordhiso fursadaha  dadka dalxiisayaasha ah ee goobtan booqashada ku gaara.

Tani maaha markii ugu horreysay ee sidan oo kale la sameeyo, horey waxaa hoos loogu dhigay lacagta lagu booqdo goobtan oo la raqiisiyay, halka qof kastaa loo ogol yahay saddex saacadood oo kaliya, si loo xakameeyo tirada dadka faraha badan ee goobta ku soo qulqula sawiradana ku gal.

Taaj Maxal, waxaa dhisay boqorkii Mangooliya, Shaah Jaahaan oo Qarnigii 17aad dhisay, waxa uu u dhisay xaaskiisii Mumtaas Maxal, waxa uu ku muujinayay jacaylka uu uqabo iyo inuu magaceeda raago oo muddo qarniyo ah la hadal hayo. goobtan ayaa waxey ka mid ah goobaha ugu soojiidashada badan dunida ee loo dalxiiska tago.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close