Wararka

Samada Indonesia oo Isku Bedeshay Midabka Dhiigga.. “Muuqaal” Laga Duubay Dhacdadan

Samada Indonesia oo Isku Bedeshay Midabka Dhiigga.. “Muuqaal” Laga Duubay Dhacdadan

Dalka Indonesia ayaa kaymaha gubtaa ay sanad walba galiyaan khasaaro farabadan,  dadka isticmaala baraha bulshada ayaa faafiyey muuqaalka samada oo deegaan ka mid ah deegaannada Indonesia isku bedeshay midabka casaan xigeen tiq ah intii lagu guda jiray fasixii isbuuca.

Samada degmada Gambi, ayaa u muuqatay sidii iney isku bedeshay midab casaan xigeen ah, waa sida laga dheehanayo muuqaal lagu soo daabacay twitter uu iska leeyahay qof magaciisa la yiraahdo Zuni Shofi.

Qoraalka muuqaalka la socday ayaa waxa uu ahaa sidan “Samadani habeen maaha, waana dhulka meeraha Mars maaha, kani maaha dhul hawada sare ku yaalla, anagaa ku dhex neefsaneyna, sambabo ayaan leenahay, waxaan u baahan nahay hawo nadiif ah, ee qiiq uma baahnin.”

Sanad walba keymaha Indonesia wey gubtaan oo waxaa ka dhasha qiiq saameyn aan wanaagsan ku yeesha caafimaad oo waddanka oo dhan saameeya una tallaaba dalalka deriska la ah ee Malaysia, Singapore, inta badan keymuhu waxey ku gubtaan aseendooleyda iyo beeraaleyda yaryar xilliga ay iska gubayaan qashinka haraadiga ah ee ay beertooda ka nadiifinayaan dab ka kaca oo dhul badan saameeya.

Waxaa la tilmaamayaa in deegaanno badan oo gudaha Indonesia ku yaalla ay halis ugu jiraan in xilli kasta uu dab ka kaco dhulka beereelayda ah ee qalalan oo ku badan gaar ahaan kuwa lagu beero nudaha looxaanta.

Qiiqa faraha badan ee hawada sare u baxa ayaa waxa uu sababay iney aragtidu yaraato, sidaa darteed; waxaa la baajiyay duulimaadyo farabadan oo gudaha Indonesia iyo Malaysia ka qorsheysnaa, sidaas oo kale,  waxaa lagu khasbanaaday in  albaabada albaabada loo xiro iskuullaad ku yaalla labada dalka Isbuucan

Goobjoog Edu. 

Related Articles

Close