Uncategorized

8 Nooc oo Cunto Ah oo Dayacaadooda Ay Khatar Badani Ugu Jirto Naftaada (Muuqaal)


Websiteka Daily Medical ee arrimaha caafimaadka ku takhasusay ayaa sheegay in qofku uu dayaco cunnooyinka qaar ay khatar badan u horseeddo wadnaha iyo xididada dhiigga iyo kalyihiisa, qofka waxey u horseedi karaan wadanaha oo istaaga inuu Istaroog ku dhaco, arrimahaas oo dhankooda hoseeda geeri xilli hore.

Raashinkaa ay dadku fududaystaa maaddooyinka laga helo waxaa ka mid ah Antioxidants, taas oo hoos u dhigta heerka cholesterolka xun ee dhiigga, halka cunnooyinkani sidoo kale ay ka hortagaan in xidida dhiigga ay baruuri korto, arrintaas oo laga faa’iidi karo in si sahlan loo daaweeyo qofka dhiiggiisu kacsan yahay.

Liiska raashinka muhiimka ah ee la dayaco waxaa ka mid ah:

Khudaarta caleenta leh

Waxaa ka mid ah, ansalaatada, bagalka iyo koostada, warbixintan ayaa adkeynaysa in khudaartan ay ku badan yihiin; Magnesium iyo potassium oo kaalin muhiim ah ka ciyaara in hoos loo dhigo cadaadiska dhiigga.

Digirta Cad

Digirta cad waxaa laga helo tiro badan oo ah maaddooyin; Kalsiyoom, Magniisiyoom iyo Bootaasiyoom, oo kaafisa baahida maalin laha ah ee maaddooyinkaas, waana macdanta lagama maarmaanka ah si cadaadiska jirka hoos loogu dhigo.

Caanaha aan duxda lahayn

Si maalinle ah waxaad u cabbi kartaa caanaha duxdu ku yar tahay, isla markaana hoos u dhiga cadaadiska jirka, heer gaarsiisan 2 ilaa 5%.

Saliidda Sisinta

In saliidda sisinta lagu darsado raashinka iyo khudaarta, waxey kaalin weyn ka qaadataa in hoos loo dhigo cadaadiska dhiigga, waxaa laga helaa lakabyada Flavonoids oo si gaar ah uga shaqeeya in heerka kolostaroolka xun ee dhiigga hoos loo dhigo.

Mooska

Mooska waxaa laga helaa Bootaasiyom farabadan, taas oo kaalin weyn ku leh nidaaminta shaqada dhiigga.

Shukulaatada madow

Shukulaatada madow ee sonkorta aan lahayn, waxaa laga helaa Antioxidants oo hoos u dhigta Kolostaroolka xun heerka gaarsiisan 10%.

Rummaanka

Waxaa laga helaa faytamiinno iyo macdan, ka qeybqaata iney jirka baruurta ka nuugaan.

Misirka 

Digirta nooca misirka ah, waa il kale oo laga helo Bootaasiyom, waxeyna hoos u dhigtaa caadaadiska dhiiggas.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close