Uncategorized

Haddii Xiriir Jacaylku Uu Bilow Yahay.. 4 Calaamadood oo Kuu Sheegaya In Xiriirkaasi Yahay Mid Guuleysanaya (Muuqaal)


Xiriir kasta waxa uu leeyahay heerar kala duwan oo uu maro, inta badan bilowga ayaa tilmaan fiican u ah in xiriirkaasi yahay mid waddo guuleed ku socda ama inuu yahay mid waddo fashil ah haysta, websiteka Glowpink, ayaa qoray calaamado lagu garto in xiriirku uu yahay mid guuleysanaya ama mid guuldarro kusoo gabagaboobi kara.

1- Garabka Aad u baahan tahay marwalba ma ka heshaa

Ninka isku daya inuu marwalba garabkaaga noqdo ee kuu fidiya gabarkii aad u baahneyd si aad marwalba u noqoto qofka ugu wanaagsan, qofkaasi mustaqbalkaaga waxa uu kuu noqonayaa lamaane wanaagsan.

2- Naftiisa ma kaa hor mariyaa

Haddii dareenkiisa, rabitaankiisa iyo baahiyihiisa uu taada ka hormariyo, dareenka uu kuu hayaa waa mid dhab ah, waana qof ixtiraamka iyo jacaylkaaga u qalma.

3- Waqti ma kula qaataa

Ninka jecel inuu waqtigiisa ugu badan kula qaato waa qof aadan ka fogaan karin weligaa, waa qofka ugu wanaagsan ee aad la noolaan karto.

4- Wuxuu rabaa in xiriirkiinna ay dadka oo dhani ogaadaan

Haddii uu agtaada fadhiyo ama uu gacanta ku haysto goobaha ay dadku ku badan yihii aad ayuu ugu faraxsan yahay inaad noloshiisa ku soo biirto, dadka kale waxa uu doonayaa iney arrinkaa ogaadaan, waxa uu ku barayaa macrifadiisa iyo saaxiibadii.

Haddii uu agtaada fadhiyo ama uu gacanta ku haysto goobaha ay dadku ku badan yihii aad ayuu ugu faraxsan yahay inaad noloshiisa ku soo biirto, dadka kale waxa uu doonayaa iney arrinkaa ogaadaan, waxa uu ku barayaa macrifadiisa iyo saaxiibadii.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close